Qeeybaha| Wararka

Waxaa lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha taliye sare oo ka tirsanaa Maleeshiyada Xisbul islaam

Posted on 09 March 2010 by dadweyne

Sarkaal katirsanaa Ururka Xisbul Islaam ayaa goordhow kooxo hubaysan waxa ay ku toogteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah kooxo ku habaysnaa hub fudud ayaa goordhow waxa ay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagarka halka loo yaqaano Maalin taajir waxa ay ku toogteen Sarkaal sare oo katirsanaa Ururka Xisbul Islaam kaasi oo lagu magacaabi jiray Barre Cali Barre.

 

Marxuumka ayaa dhawaan ka badbaaday isku day dil ah oo lala damacsanaa laakiin markan sida muuqato waa lala helay.

Kooxaha fuliyay dilka marxuumka ayaa waxay ka tirsan yihiin maleeshiyada shabaab.

Leave a Reply