Qeeybaha| Qubane

Wasiirka Arrimaha Dibada oo ka warbixiyay kulankii Madaxweyne Shariif iyo Gordon Brown +Sawiro

Posted on 09 March 2010 by dadweyne

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya booqashada ku jooga Magaalada London ayaa ka warbixiyay kulamadii Madaxweyne Shariif la qaatay Madaxda Britain.
kow

Mr Jengeli ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif ay is arkeen Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown, isagoo sheegay in ay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka Soomaaliya.
SharifBrown1
Salaan
“Kulanka waxaa uu ahaa mid jawi wanaagsan ku bilowday, labada Mas’uul waxay diirada saareen Xaalada labada dhinac iyo sidii Ingiriisku taageero u siin lahaa Dowladda KMG”ayuu yiri Mr Jengeli oo intaa raaciyay.

Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mr Brown iyo Madaxweyne Shariif ay si gaar ah uga hadleen argagixisada iyo arrinta Burcad badeedka, waxaana uu cadeeyay in dhamaan arrimahaas la iska weydaarsaday aragtiyo kala duwan.

Mar Wasiirka uu ka hadlay arrimaha Ammaanka ayuu sheegay Madaxweynaha in ay tahay mid laga doonayo dhalinteeda Beesha Caalamka in ay gacan ka geysato isla markaasina ay kala qeyb qaataan sidii Soomaaliya ay u heli laheyd ciidan qalabeysan oo agabkooda oo dhan u dhameystiran yahay isla markaasina dagaal geli kara dhaqaalena lagu taageero.

Ugu dambeyntii waxaa uu Wasiirku sheegay in wada hadalka labadaasi mas’uul uu si wanaagsan ku soo gaba gaboobay isla markaasina natiijo wanaagsan ay kala gaareen isaga oo rajeeyay in waxyaabaha ay ka wada hadleen laga mira dhalin doono.

Madaxweyne Shariif ayaa lagu wadaa 3-da maalmood ee uu ku joogi doono wadanka Britain in uu la kulmo jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo sidoo kale madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Britain

Leave a Reply