Dowlada Canada ayaa ka mamnuucda dalkeeda dadka la shaqeeya kooxda Al shabaab oo xiriir la leh ururka Al qaacida oo la aaminsan yahay inuu yahay urur argigixiso
Wasiirka arimaha Bulshada ee dowlada Canada ayaa wakaalada wararka ee Reuter’s u sheegay in dowlada Canada ay gebi ahaanba mamnuucday in gudaha dalkeeda lagu arko dad xiriir la leh maleeshiyada kooxda Alshabaab iyo in ay maleeshiyadasi taageero dhaqaale ka helan gudaha dalka Canada.
Arintani ayaa ka dambeysay kadib markii dowladda Canada ay warbixino ka heshay gudiga Jaaliyadda Somaliyed ee dalkasi ku nool kaa oo ku saabsanaa in dad xirrir la leh kooxda Alshabaab ay isku dayayaan sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalkasi loogu biirin lahaa maleeshiyadaasi si ay uga qayb qaataan hurinta Colaadaha ka jira dalka soomaaliya.
Mr Fik Tooys waxaa kaloo uu sheegay in ciddii ay dowlada Canada ku aragto iyadoo dhaqaale u raadinaysa ama ka qayb qaadanaysa howlaha maleeshiyadasi ay ku xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed aytahay danbi weyn lana marsiin doono talaabo sharci waafaqsan.
Arintaani ayaa ku soo aadaysa xilli dowlada ingiriiska ay iyana ku dhawaaaqday in gudaha dalkeeda laga mamnuucay kooxaha u adeega meleeshiyada kooxda Al shabaab





