Wasiirka Lacagta Dowladda KMG C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in ururka Xisbul Islaam uu yahay urur siyaasadeed doonaya xalka Soomaaliya.
Isagoo la hadlayay Warbaahinta Muqdisho ayuu Mr Yariisow xusay in Xisbiga uu aad kaga duwan yahay hab dhaqanka Shabaab, waxaana uu cadeeyay in Xisbul Islaam ay yihiin dad jecel Calanka Soomaaliya sida uu yiri.
Wasiirka ayaa sheegay in Xisbul Islaam ay ogol yihiin in ay Dowladda KMG la heshiiyaan, hase ahaatee ay mar walba Alshabaab ay ku wado hagar daamo iyo qas ay kaga hor istaagayaan is fahamka Dowladda iyo Xisbul Islaam.
Mar uu ka hadlay Mowqifka Shabaab ayuu sheegay in ay jiraan dad ay wadaniyad soomaalinimo ku jirto, laakiin waxaa uu xusay in dhibka ugu weyn uu yahay Ajaaniibta oo uu sheegay in ay marin habaabinayaan.
Ururka Xisbul Islaam oo khilaaf aan qarsooneyn kala dhaxeeya Shabaab, isla markaana dagaalo ku dhex maray dalka ayaa waxay yihiin kuwo ay aad isugu khilaafaan dhinaca ra’yiga Shabaabka, iyadoo dhowaan Xisbul Islaam uu taageeray Calanka Soomaaliya, halka Shabaabkana ay laaleen





