Qeeybaha| Wararka

Maleeshiyada Xisbul Islaam oo kufsaday haweenay 48 jir ah

Posted on 06 March 2010 by dadweyne

Bannaan bax xooggan oo looga soo hor jeedo Maleeshiyada Xisbul-Islaam ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska xarar yaale ee degmada war dhiigleey ee gobolka Banaadir.

Bannaan baxaan ayaa ka dambeeyay ka dib markii malesshiyada Xisbul-Islaam ay xalay kufsadeen haweenay ka mid ah dadka deegaanka, oo shalay gelinkii dambe ka wateen deegaanka xarar yaale kadibna ay kufsadeen ayagoo 8 qof gaaraya.

Xaaladda deegaanka iyo dareenka Shacabka ayaa sakay aad u kacsanaa, waxaana subaxnimadii hore ee saakay weerar ku qaaday fariisin ay Xisbul-Islaam ay ku lahaayeen saldhigga wardhiigleey oo ku dhow isgoyska xararyaale dhalin yaro deegaanka ah, waxaana halkaas ka dhacay iska hor imaad kooban.

Shacab fara badan ayaa mar kale isugu soo baxay xaafaddaasi, waxaana istaagay dhamaan dhaqdhaqaaqii gaadiidka ee wadada wadnaha, ayadoo taayarro lagu gubay waddada dhexdeeda.

Haween fara badan ayaa oo ku dhawaaqaya Xisbul-Islaam ha dhacaan ayaa isugu baxay meelo badan oo xaafadda xararyaale ka tirsan, waxaana lagu warramayaa in goobta ay ka carareen dhamaan maleeshiyaadkii ku sugnaa.

Ehellada Haweenayda la kufsaday ayaa xaqiijiyay in hawenayda oo da’deda lagu sheegay 48 sano la geeyay Isbitaal si loo daweeyo, ka dib markii ay jir dil xooggan u geysteen, haweeyneydu waa Hooyo leh 8 caruur ah.

Leave a Reply