Qeeybaha| Wararka

Xasan Dahir Aweys”Xasan Turki Axmed Madoobe oo seedigiisa yahay oo walaashiis ayuu qabaa xataa uma sheegin inuu Shabaabka ku biiriyo, bal fiiriya ceebtaas”

Posted on 05 March 2010 by dadweyne

Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa si kulul u weeraray qaabkii uu ugu biiray Shabaab ninka ay saaxibka dhow ahaayeen Sheekh Xasan Cabdalla Xirsi Turki, isagoo daciifnimo ku tilmaamay sida uu ugu biiray.

Sheekh Xasan Dahir oo hadal ka jeediyay Masaajidka Abuu Hureyra Salaadii Jimcaha kadib ayuu sheegay in Sheekh Xasan Turki aanu kala tashan ku biiristii Shabaab, isagoo si aad uga carooday arrintaas.

“Runtii in Sheekh Xasan Turki oo ahaa dadkii aas aasay Xisbul Islaam in maanta uu ku biiro Shabaab, xataa inuusan nala socodsiin aad baan uga xunahay”ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir oo si gaar ah u taabtay gunta khilaafka Xisbul Islaam iyo Shabaabka.

Sheekh Aweys ayaa ku sifeeyay qaabka uu ugu biiray Xasan Turki mid u muuqata in Shabaab ka awood badan yihiin Xisbigiisa, taasoo dadkii dhageysanayay khudbadiisa ay aad qosleen, waxaana Wadaadka uu u hadlayay si Kalsooni ah.

Mar uu ka hadlay arrinta Axmed Madoobe ayaa waxaa uu mar kale ku celiyay inuu ka tirsan yahay Xisbul Islaam, waxaana uu gaashaanka ku dhiftay hadal ka soo yeeray Maamulka Xisbul Islaam ee Gobolka Gedo, kaasoo ay ku sheegeen inuusan ka mid aheyn.

Sheekh Xasan Dahir ayaa sidoo kale soo hadal qaaday ku biiritaanka Sheekh Xasan Turki in xataa uusan la socodsiin Axmed Madoobe oo uu sheegay inuu seedigiis yahay, isagoo ceeb ku tilmaamay inuusan ku wargelin ninka ay xididka yihiin

“Xasan Turki Axmed Madoobe oo seedigiisa yahay oo walaashiis ayuu qabaa xataa uma sheegin inuu Shabaabka ku biiriyo, bal fiiriya ceebtaas”ayuu si dhoolacadeys ku jiro u yiri Sheekh Xasan Dahir oo hadaladiisa oo idil ay ahaayeen mid aad u kulul.

Dadkii dhageysanayay Khudbadiisa ayaa ku tilmaamay mid u muuqatay inuu wali aanu dhicin, isla markaana marna Shabaabka isu dhiibi doonin, waxaana hadalkiisa uu ahaa mid sii fogeynayay Khilaafka baaxada leh ee u dhaxeeya Shabaabka iyo Xisbul Islaam

Leave a Reply