Qeeybaha| Wararka

Madaxweyne Shariif Sh Axmed” Al Shabaab waa Argigixiso khatar ku ah geeska Afrika”

Posted on 04 March 2010 by dadweyne

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay go’aankii dhawaan dowladda Britain ay ku sheegtay inay mamnuuceyso maleeshiyada al-Shabaab.

Madaxweyne Shariif oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanka Britian, mar horena ay ka sugayeen dowladda Britain in tallaabadaasi ay qaadato, isagoo ugu baaqay dowladdaha kale in ay go’aankaasi oo kale ka qaataan Shabaab.

Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Madaxweyna Shariif Shiikh Axmed ayaa dowladda Britain toddobaadkan waxay sheegtay in ay mamnuuceyso.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Britain, Alan Johnson, ayaa maanta sheegay in uu amar ku bixiyay in la mamnuuco Shabaab.

Mamnuuca Shabaab, waxaa macnaheedu yahay in- kamid noqoshada Shabaab ay noqoneyso dembi, isla markaana ay dadka British-ka ah ka mamnuuceyso in ay lacag u ururiyaan Shabaab. Waxaa la horgeyn doonaa go’aanka dowladda baarlamaanka Britian.

Madaxweyne Shariif waxa kale oo uu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay dhibaatada burcad badeedda Soomaaliyo iyo mida bini’aadanimo, oo uu sheegay inay uga sii dartay khilaaf u sheegay inuu u dhaxeeyo Mareykanka iyo WFP iyo khilaafka u dhexeeya Shabaab iyo WFP

Leave a Reply