Qeeybaha| Wararka

Warbixinta OCHA iyo Xaaladaha Somalia

Posted on 02 March 2010 by dadweyne

Warbixintu waxay xoogga saaraysaa xaaladihii ugu waaweynaa ee labadii bilood ee ugu horreeyey sanadkan iyo saamaynta ay ku yeesheen noloshii banii’aadminnimo

Barakaca iyo xuduudaha

Heyadda qaxootia ee UNHCR xafiiskeeda Kenya ayaa sheegay in xerooyinka Dhadhaab ay weli soo gelayaan qaxooti cusub oo Soomaaliya ka imanaya. Ilaa bishii Jannaayo, tiro ku dhowdhow 7500 oo qaxooti cusub ah ayaa la sheegay in laga diiwaangeliyey xerooyinkaas. Dagaalladii ugu danbeeyey ee Dhoobley ayaa dad gaaraya ilaa 2000 ay u qaxeen dhinaca xuduudda Kenya, sida lagu qoray warbixintaas

Xerooyinka cusub ee Itoobiya

Itoobiya waxay ku soo warrantay in gobolka Soomaalida ee Itoobiya laga furay
xero labaad oo cusub oo kuwa qaxootiga ah si loo geeyo dadka ku soo barabaxay Somalia ee ku soo qulqulaya xuduudaha Itoobiya.QaxootiSoomaaliyeed oo lagu qiyaasey ilaa 60,000 ayaa ku jira afarta xero ee Aw-Barre, Boqol-maayo, Qabri-bayax iyo Sheder oo ku dherersan xuduudahaasi. Maalin kasta, dad lagu qiyaasay ilaa 200 oo Soomaali ah ayaa la sheegay inay qaxooti ahaan u galaan Itoobia.

Barakaca Muqdishu

Warbixintu waxay sheegtay in iska-horimaadyada joogtada ah ee magaalada Muqdishu ay keeneen barakac joogto ah. Heyadda UNHCR waxay ku qiyaastay bishii February ee sannadkan oo qudha inay dagaalada Muqdishu barakiciyeen ilaa 22,300 oo qof. Haddii xaaladuhu ay sidan ku sii socdaanna, waxa la qiyaasayaa in saddexda bilood ee soo socda ay barakici karaan dad ka badan 200, 000 oo qof, Muqdishu dhexdeeda

Waxqabadka hey’adaha

WFP waxay sheegtay in toddobaadkii hore gudihiisa ay geysey gobollada dhexe ee Somalia, gargaar cunno oo gaaraya 4,000 oo meterik-ton, gargaarkaas oo laga soo dejiyeyey dekadda Berbera, lana soo mariyey waddada weyn ee isku xirta waqooyiga iyo koonfurta, ka dib markii uu sii xumaaday ammaanka waddadii isku xiraysay Muqdishu iyo Gaalkaco, hanjabaado joogto ahna lagala kulmay kooxaha islaamiyiinta ah ee ka taliyaa marinnadaasi. Gargaarkaas WFP waxay sheegtay inay ka mid tahay dedaal ay ku doonayso inay wax ugu tarto kumannaan qoys oo abaaruhu ay saameeyeen oo ku nool gobollada Dhexe.

Cabasho waxyeello

OCHA waa kale oo warbixinteeda ay ku sheegay biliqo iyo dhac loo geysto heydaha gaargaarka ee doonaya inay wax u geeyaan dadweynaha Somaliyeed ee ku dhibaataysan gobolo badan. Waxayna tusaale u soo qaadatay 23kii Febraayo, ooo WFP ay sheegtay in 50 qof oo hubeysani ay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ay ku af-duubey, kuna bililiqeysteen cunto gargaar ah oo dhan 24 meterik-ton, ahna galley ay WFP soo dejisey

Leave a Reply