Qeeybaha| Wararka

Dad rayid ah ayaa ku dhaawacmay dagaalo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Posted on 02 March 2010 by dadweyne

In ka badan 20-ruux oo rayid ah ayaa maanta ku dhaawacantay dagaalo iyo duqeymo duhurnimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo dhamaan dadkii waxyeelada soo gaartay ku dhaawacmeen Suuqa Bakaaraha.

Rasaasta habowga ee ka dhaceysa qoryaha lidka diyaaradaha iyo Madaafiic ayaa ku dhacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha, kuwaasoo sababay dhaawacyada 8-ruux oo rayid ahaa.

Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha ka hor jeeda ayaa ahaa mid ka socday Degmada Hodan, waxaana Madfac ku dhacay wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha uu geystay dhaawacyo dad rayid ah.

Sidoo kale Madaafiic ku dhacday Xaafada Xerta Sheekh Aadan Dheere ee Degmada Wardhiigley ayaa waxaa ku dhaawacantay ilaa afar ruux oo rayid ah.

Gudiga Gaadiidka Gurmadka dega dega ayaa soo sheegaya in dhaawacyada dadka ay qaadeen ay gaarayeen ku dhowaad labaatameeyo, oo qaarkood dhaawacyadooda ay fududaayeen sida ay sheegeen.

Xaalada Suuqa Bakaaraha ayaa waxay mar kaliya noqotay mid lagu kala cararo, kadib markii ay ku soo dhaceen Madaafiic iyo qoryaha lidka diyaaradaha, kuwaasoo ka soo dhacayay fariisimaha Ciidamada Dowladda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaalada Suuqa ay haatan tahay mid degan iyo goobihii lagu dagaalamayay ee Degmada Hodan

Leave a Reply