Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Dabley Hubeysan ay xalay saqdii dhexe ay hoygiisa kala baxeen mid ka mid ah Odayaasha ugu caansan magaaladas.
Sida ay sheegayaan wararka Dableyda Hubeysan oo gaaraya lix nin oo ku hubeysan Qoryaha AK47 ay u dhaceen C/llaahi Siyaad Qanyare oo ah dadka sida weyn looga yaqaano magaalada Jowhar, kana mid ah Odayaasha deegaanka.
C/llaahi Siyaad Qanyare ayaa sidoo kale ahaa Gudiga Waalidiinta Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Kulmis oo ka mid ah Iskuulada ugu waa weyn magaalada Jowhar.
Lama oga halka ilaa iyo hada lala aaday C/llaahi Siyaad oo lagu tiriyo dadka asalka magaalada Jowhar, isagoo horay uga baxay Dugsigii Mishinka Ameerikaanka.
Dadka reer Jowhar ayaa hadal haya dhacdadan oo ay aad uga argagaxeen, waxaana qaabka gurigiisa lagala baxay lagu sheegay mid xeeladeysneyd oo kooxihii watay ay guriga u boodeen.
Wararka ayaa sheegaya in kooxaha la baxay odaygaas ay ka tirsan yihiin kooxda shabaab oo xoog ku haysata magaalada Jowhar.





