Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ayaa ku baaqay in xayiraad deg deg ah la saato Garoomada Diyaaradeed iyo dekedaha ay maamulaan Kooxaha Mucaaradka ku ah Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Kadib Kulan ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ayaa Golaha ka soo saareen Bayaan ay kaga dalbanayaan Qaramada Midoobey in ay ansixiso in la cunaqabateeyo Dekedaha macmalka iyo Garoomada Diyaaradeed.
Midowga Afrika ayaa sheegay in Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay Hub iyo saanado kala soo degaan garoomada Diyaaradeed iyo Dekedaha, waxaana si loo ogaado dhaq dhaqaaqyadaas ay ku codsadeen in la mamnuuco goobahaas.
Sidoo kale Midowga Afrika ayaa sheegay in dalal shisheeye ay taageero siiyaan dhinacyada ka soo horjeeda, waxaana taageeradaas ay ku sheegeen mid wiiqeysa jiritaanka Dowladda KMG, waxaana sida ugu fudud ee lagu hakin karo taageeradaas ku sheegeen in ay tahay in la mamnuuco isticmaalka meelaha loo soo marsiinayo taageerada sida ay hadalka u dhigeen
Arrintani ayaa waxaa ay timid kadib markii uu kordhay dhaq dhaqaaqa Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda iyo hoos u dhaca ku yimid wax qabadka Dowladda Soomaaliya taasi oo Midowga Afrika ay uga baqeen in ay dhibaatada geeska Afrika ka taagan ay sii kororto





