Maleeshiyada Al-shabaab ee Soomaaliya, ayaa shalay qabsaday deegaanka Diif oo Dhoobleey 60-km u jirta.
Wararka deegaankaasi ka imanaya ayaa waxay sheegayaan in Shabaabku markii ay magaalada Qabsadeen ay dad badan oo shacab ah ay ay isu soo bixiyeen, iyagoo qaar ka mid ah ay kaxaysteen.
Hadaba maanta ayaa wiil dhalinyaro ah oo dadkii shalay la kaxaystay ka mid ah, waxaa Maydkiisa la soo dhigay, bartamaha Diif.
Nin arkay maydka la gowracay, oo magaciisa diiday in la sheego ayaa laga soo xigtay in uu indhaha saaray ninkaas la soo gawracay.
Wuxuu ninkaas sheegay in Al-Shabaab ay maydka oo garba-duub u xiran oo madaxiina dulsaaran yahay soo dhigeen dukaamada hortooda.
Wuxuu arrintaas ku tilmaamay mid aad loog naxay oo dadkii oo dhan ku argagaxeen





