Wararka ka imaanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska dalka Sudan ay Isbitaal ku yaal magaalada Khartoum ay kala baxeen nin Soomaali ah oo dhaawac daran qaba, kaasoo la sheegay in ay Xabsiga u taxaabeen.
Wararka ayaa sheegaya in Ninkan Soomaaliga oo heysta mid ka mid ah Baasaboorada dalalka Yurub looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay Kooxaha Islaamiyiinta ka dagaalama Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sudan Prof. Mahad Abuubakar ayaa sheegay in ay maalmo ka hor ay Ciidamada Booliska Sudan ay Isbitaal kala baxeen Nin Soomaali ah, hase ahaatee uusan garan karin halka ay la aadeen.
Isbitaalka ninkan lagala baxay ayaa waxaa gacanta ku haya Dhaqaatiir Talyaani ah, waxaana Booliska ka hor inta aysan ninka dhaawac kala bixin ay su’aalo weydiiyeen Dhaqaatiirta qaarkood.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Sudan ay baadigoob ugu jiraan Muuse Caraale oo ka mid ahaa Hogaamiyeyaashii Xisbul Islaam, kaasoo dhowaan la sheegay inuu aaday dalka Sudan.
Safiirka Soomaaliya ee Sudan ayaa qudhiisa xaqiijiyay in uu maqlay in Muuse Caraale uu joogo Caasimada Sudan ee Khartoum, inkastoo aanu tafaasiil ka bixin, ha yeeshee Soomaalida ku sugan Sudan ayaa sheegaya in Muuse Caraale uu safar tahriib ah ku soo galay dalka Sudan maalmo ka hor, markii uu ka soo baxsaday Xisbul Islaam





