Qeeybaha| Wararka

Maleeshiyo xiriir la leh Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo sheegay inay qabsatay degmada Galhareeri ee Gobolka Galguduud

Posted on 26 February 2010 by dadweyne

Maleeshiyo xiriir dhow la leh sida ay sheegeen ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay inay xalay dagaal ku qabsadeen degmada Galhareeri ee Gobolka Galguduud, halkaasoo ay gacanta ku haysay dablayda shabaab.

Macallin Faarax oo u hadlay ciidamada qabsaday degaanka Galhareeri ayaa sheegay in iyagu ay weerar ku qaadeen degmada ayna haatan gacanta ku hayaan.

“Degmada Galhareeri waxaa qabsaday ciidamo taabacsan Ahlusunna iyo Malleeshiyo deegaanka ah oo iskaashaday, ujeedaduna waxay ahayd inay dadka ku nool laga dulqaado dhibaato lagu hayay” ayuu yiri Macallin Faarax.

Mas’uulkan wuxuu sheegay in dagaalka ay kashaare xooggan ka dhasheen, balse uu yar yahay khasaaraha dhankooda gaaray, isagoo sheegay in dhanka kale ay ka dileen tiro maleeshiyo ah ayna ka qabsadeen gaari dagaal mid kalena ka gubeen.

“Xalaaddu saakay waa mid caadi ah, deegaanka waxaa gacanta ku haya dhinacyada iskaashaday, xoogagii laga saarayna waxay u baxeen dhanka degmada Ceelbuur” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Malleeshiyada qabsatay Galhareeri.

Leave a Reply