Wadaamada urur Goboleed Bariga iyo Geeska Africa ee IGAD ayaa beryahan kulamo ku lahaa magaalada Djibouti, oo ah xarunta ururkaasi.
Arinta ugu muhiimsan ee kulankaasi lagaga hadlaayey waxay ahayd sidii wadamada ururkaas ku jira ay isu dhex geli lahaayeen,taasi oo ah sidii wadamada ururkaasi la isugu xeri lahaa oo ay waxyaabo badan u wadaagi lahaayeen.
Xoghayaha ururkaas, Maxbuub Macallin ayaa sheegay in wadamada ururkaas ku jira ay ka wada hadlayeen sidii ay uga midoobi lahaayeen arrimo ay ka mid yihiin socdaalka, ganacsiga iyo shuruucda .
Maxbuub Macallin waxa uu sheegay in siyaabaha ay wadamada ururka ku jira isugu soo dhowaan lahayeen ay ka mid tahay ganacsiga.
Laakinse wuxuu Macallin sheegay in wadamada ururka IGAD ku jira,ay qaarkood ururo Gobleedyo kale ku jiraan oo ay taasi ku tahay dhibaato sidii ay isu waafajin lahaayeen labada nidaam,iyadoo ay sharciyo kale ku furan yihiin





