Qeeybaha| Wararka

Khilaaf ka dhex kacay Gudoonka sare Maamulka Gobolka Banaadir

Posted on 25 February 2010 by dadweyne

Khilaaf ayaa soo kala dhex galay Gudoonka Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasoo ku saleysan awooda guud ee Maamulka, iyadoo khilaafkan uu haatan si gaar ugu dhaxeeyo Gudoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa.

Inkastoo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu dib ugu soo laabtay maanta Magaalada Muqdisho, kadib safar uu maalmihii la soo dhaafay ku maqnaa Magaalada Nairobi ayaa waxaa khilaafka isaga iyo Kuxigeenkiisa uu yahay mid ugub ah.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C/risaaq Nuune oo ah nin ku ad adag dhinaca qaanuunka, ayaa maalmo ka hor amar ku bixiyay in la xiro Xafiisyada Maamulka iyo Qasnada Gobolka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Kuxigeenkiisa C/salaan Daahir C/lle uu ka hor yimid, isla markaana isagoo ah Ku simaha uu waxba kama jiraan ka soo qaaday amarka Gudoomiyaha, maadaama uu dalka ka maqan yahay.

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa lagu soo waramayaa in si xoog u qaatay Furaha Qasnada Gobolka, iyadoo wararku tibaaxayaan in xafiisyada qaar la jebiyay, taasoo keentay in khilaafka cirka galo.

Maamulkan ugubka ah ayaa durba wajahaya khilaaf cusub, xilli aanay gacanta ku heyn inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana wararku sheegayaan in haatan saraakiil ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha ay ka dhex wadaan labada dhinac waan waan.

Gudoomiye kuxigeenkii hore Gobolka Banaadir Ina Shaaweeye ayaa ku eedeeyay Maamulka cusub Gobolka Banaadir in aanay waxba ka qaban howlaha loo igmaday, isla markaana ay taagan yihiin halkii ay uga tageen Maamulkii hore.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa haatan ku shaqeeya in yar oo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana gacantooda ka maqan inta badan degmooyinkii gobolka Banaadir oo ay maamulaan Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda KMG

Leave a Reply