Tan iyo markii dhowaan dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, isla markaana lagu arkay magaalada kumanaan ciidamo oo ay leedahay Dowladda KMG ayaa waxaa sii xoogeysaneysa gulufka dagaal ee aan ficilkiisa muuqan ee ka soo yeerayay Dowladda Soomaaliya ee ku xendaaban Wadada Maka Al-Mukarama.
Qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay ku wiiqdo awooda Xoogaga ka soo horjeeda ayaa ahaa mid fashilaad kala duwan ku imaanayay, taasoo ay ugu wacnaayeen hadalo ay warbaahinta ka jeedinayeen Wasiirada nolol maalmeedkooda noqday mikrafoonka Idaacadaha.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha C/rashiid Xidig ayaa codkiisa ku biirayay in dhowaan Dowladda KMG ay qaadi doonto tallaabo ka dhan ah qolyaha mucaaradka, waxaana uu rajo ka muujiyay qorshaha ay haatan wado Dowladda oo ay sidii ay dalka oo dhan ula wareegi laheyd.
Mr Xidig ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay ku taageereyso duulaanka ka dhanka ah Xoogaga Mucaaradka, isagoo soo hadal qaaday in ay dalka ka sifeynayaan waxa uu ugu yeeray dambiilayaal caalami ah oo dalalkooda dambiyo ka soo galay.





