Qeeybaha| Wararka

Gudoomiye ku Xigeenkii Deegaanka Bur Saalax ee G/Mudug oo toogasho lagu dilay

Posted on 24 February 2010 by dadweyne

Kooxo hubeeysan ayaa maqribnimadii xalay toogasho ku dilay Gudoomiye ku xigeenkii Deegaanka Bur Saalax ee Gobolka Mudug iyo mid ka mid ah ilaaladiisa .

Dilka loo geeystay Gudoomiye ku xigeenkii Deegaanka Bur Saalax ee Gobolka Mudug Cabdi Kheyre Mire Maxamuud iyo mid ka mid ah Ilaaladiisii ayaa waxaa ka danbeeyay kooxo hubeeysan oo maqribnimadii xalay ku soo weerary Xafiiskiisii sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Deegaanka Cagaaran ee Gobolka Mudug Cali Xiis Abshir..

 

Ciidamada Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa ineey gaareen Deegaanka Bur Saalax Dilka kadib, waxana la sheegay in halkaasi ay ka bilaabeen baaritaano xoogan in kastoo aaneey ku guuleeysan in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka danbeeyay falkaasi.

 

Gudoomiyaha Deegaanka Cagaaran ee Gobolka Mudug Cali Xiis Abshir ayaa sheegay in Ciidamada Booliiska ee Maamulka Puntland ay sii wadi doonaan baaritaanada ay ka wadaan deegaanka Bur Saalax ee Dilku ka dhacay.

 

Mudo 4-bil gudahooda ayaa dilkani waxa uu qeyb ka noqonayaa dilal loo geeysanayo Mas’uuliyiin ka tirsan  maamulka Puntlanad iyadoo la xasuusto mudadaasi dilal kala duwan oo ka dhacay deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Puntlanad kuwaas oo loo geeysanayay Xubno ka tirsan Barlamanka Puntlanad iyo saraakiil ka tirsanaa maamulkaasi,waxaana sidoo kale arintani ay u muuqaneeysaa in ay qeyb ka tahay falalka Amaandarida ah oo ku soo kordhay maamulka Puntland in kastoo Mas’uuliyiinta Maamulkaasi ay ku celceliyeen in ay wax ka qaban doonaan Falalka wax loogu dhimayo xasiloonida deegaanadaasi

Leave a Reply