Ururka Xisbul Islaam ayaa beeniyay eedeeyn dhawaan ay usoo jeedisay Shabaab, oo ahayd inay ka danbeeyeen qaraxyo ka dhacay goobaha mucaaradku ay ka taliyaan ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Xisbul Islaam Shiikh Maxamed Macalin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in ururkoodu aanu wax lug ah ku lahayn qaraxyo ay dad ku dhinteen oo dhawaan ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo Baar Ubax.
Afhayeenku waxa uu sheegay in dhacdooyinkaasi ay ahaayeen kuwo khilaafsan, wax uu ugu yeeray mabaa’diida ay ku shaqeeyaan, isagoo ka gaabsaday in uu sheego cidda ay ku tuhmayaan.
Dhinaca kale Afhayeenka Xisbul Islaam waxa uu ka hadlay dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Dhoobleey oo uu sheegay inay iyaga soo weerareen, saxaafaddana ku faahfaahiyeen sababaha ay ku soo galeen iyo sidii ay uga baxeen





