Qeeybaha| Wararka

Maleeshiyo ka tirsan Shabaab oo Gabar kala baxay Gurigeeda kadibna faraxumeeyay

Posted on 23 February 2010 by dadweyne

Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ayaa kufsi iyo jirdilba u geeysatay Gabar yar oo 17-sano jir ah kadib markii ay si xoog ah uga wateen Gurigeeda oo ku yaala Xaafada Al-Shareedca ee Degmada Kaaraan. 

Mid ka mid ah Ehelada Gabadhaasi ayaa sheegay in habeenkii taariikhu ku beegneyd 22-Feb.2010 Abaarihii Sideedii Fiidnimo Lix nin oo afafka soo duubtay ay soo weerareen Guriga Gabadha oo ku yaala xaafada Alshareeca gaar ahaan agagaarka Garaashka Cali Jarmal ee Degmada kaaraan, kadibna waxa ay qoryo ku qabteen Xubnihii kalee qoyska ee ku sugnaa Guriga, iyagoo xoog ku kaxeeystay Gabadha oo ay faraxumeeynayeen habeenkii oo dhan,kadibna waxaa ay aroortii soo dhigeen Wadada laamiga ah ee School Godeey Gabadhii oo aan dhaqaaqi karin dhaawac daranina ka muuqdo. 

Dhaawaca Gabadha ayaa loola cararay Cisbitalka iyadoo uu ka muqqdo jirdil aad u xoogan kadib markii ay ku garaaceen Qori afkiisa isla markaana ay Faraxumeeyeen kuwii afafka soo duubtay, iyadoo dhaawaca ka sokow Gabadhaasi ay weeysay Gabarnimadeedii. 

Dadka deegaanka ayaa si weyn uga xumaaday Qisadaasi xanuunka badan oo ka dhacday Degmada Kaaraan,waxeeyna Qoyska Gabadhu ay wacad ku mareen in ay isku miidaamindoonaan Maleeshiyada Shabaab ee ka danbeeysay falkaasi. 

“Inta badan dadkii deegaanku wey ka carareen xaafadeena anaguna waxaan moodeeynay in ay yihiin dad Islaam ah ee mar hore ayaan ka Guuri laheyn laheyn xaafada ayuu ka calaacalay mid ka mid ah Qeyska Gabadhaasi. 

Maleeshiyada shabaab ayaa bilaabay kol hore in ay xoog ku guursadaan gabdhaha yar yar ama xoog ku faraxumeeyan sidoo kale shabaabka ayaa bilaabeen in dagaalyahano shisheeye si qasab ah ugu guuriyaan gabdhaha soomaaliyed.

Leave a Reply