Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qaraxyo xoogan oo xalay gil gilay Isgoyska Baar Ubax, kaasoo lala eegtay Saraakiil ka tirsan maleeshiyada Shabaab, iyadoo qaraxaas ay wali ka soo baxayaan warar kala duwan.
Sida ay sheegayaan wararka qaraxan ayaa ahaa Miino wadada dhinaceeda lagu aasay, kaasoo xalay fiidkii lagu weeraray Gaari ay wateen Saraakiil, kaasoo miinada ay la kacday gaariga.
Meydka ilaa saddex ruux oo la garan waayay ayaa yaala agagaarka Isgoyska Baar Ubax, waxaana halkaas soo buux dhaafiyay maleeshiyada Alshabaab oo isku gadaamay goobtaas.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyada ay ahaayeen kuwo xiriir ah oo qaarkood loo adeegsaday bambaanada kuwa gacanta laga tuuro oo lagu weeraray Guri uu degenaa nin Sarkaal ah oo aan magaciisa la shaacin.
Xaalada wadada sodonka ayaa ah mid kacsan, iyadoo dablay fara badan ay ku sugan yihiin wadada, kuwaasoo dadweynaha u diidaya in ay isticmaalaan waxaana wali ka hadal arrintan Alshabaab.
waxaa muuqata in shabaabka dhexdooda ka tafatay oo is khaarajinayaan iyadoo la sheegayo in qaraxyadan ay fuliyeen xubno ka tirsan shabaabka.





