Qeeybaha| Wararka

Shabaab iyo Xisbul islaam oo ku dagaalamay suuqa Bakaaraha

Posted on 22 February 2010 by dadweyne

Is rasaaseyn kooban ayaa duhurnimadii maanta waxay ku dhex martay agagaarka Suuqa Bakaaraha dablay ka kala tirsan Alshabaab iyo kuwa Xisbul Islaam, iyadoo is rasaaseyntan ay salka ku heysay qarax xalay ka dhacay Isgoyska Baar Ubax.

Sida ay sheegayaan wararka Is rasaaseyntan ayaa timid, kadib markii dablay ka tirsan Xisbul Islaam ay soo buuxiyeen Wadada Wadnaha iyo sodonka, halkaasoo ay la yimaadeen Gaadiid dagaal.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo muddo kooban qal qal gal uu dib mar kale u bilowday, waxaana suuqa maanta uu ahaa mid xaaladiisa ay kacsaneyd, isla markaana uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqyada ciidan.

Is rasaaseynta ayaa ka dhacday agagaarka Isgoyska H/wadaag, halkaasoo maleeshiyo ka tirsan Xizbul Islaam ay rasaas is weydaarsadeen kuwa Alshabaab ee ku sugnaa Isgoyska Bakaaraha.

Ma cada qasaaraha ay geysatay is rasaaseyntaas, hase ahaatee waxay sii kordhisay xiisada u dhaxeysa labada dhinac, waxaana midba midka kale uu ku eedeynayaa in qaraxii xalay ka dhacay Baar Ubax uu ka dambeeyay

Leave a Reply