Qeeybaha| Wararka

Maamulka Degmada Wadajir oo Xabsiga dhigay Macalin Dugsi oo Ardaydiisa ku wareejiyay Shabaab

Posted on 21 February 2010 by dadweyne

Mid ka mid ah Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka ee ka howlgala Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa Xabsiga la dhigay kadib markii laga warhelay in uu Alshabaab ka iibsaday tiro Caruur ah oo ka mid ahaa Ardadiisa kuwaas oo waalidiintoodu ay ka welwelsanyihiin xaaladooda.

Godoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow (Axmed Daaci) ayaa daboolka ka qaaday in ay Xabsiga u taxaabeen Macalin Dugsi Qur’aan oo lagu soo eedeeyay in uu tiro Caruur ah oo ka mid ahaa Ardaydiisa uu ka iibsaday Maleeshiyada Kooxda Alshabab,waxaana arintani lagu ogaaday kadib markii mid ka mid ah Ardaydiisii uu ku wareejiyay Alshabaab si ay u Askareeyan uu ka soo goostay Xerada Maslax oo fariisin u ah Maleeshiyada Shabaab soona gaaray Waalidiintiisii waxa uuna Ardaygaasi Cadeeyay in Macalinkiisa uu ku wareejiyay Kooxda Shabaab isaga iyo Caruur kale oo wali la’yahay.

 

Macalinkaas ayaa hadda su’aalo la weydiinaya sida uu sheegay Axmed Daaci.

 

Shabaabka ayaa badanaa waxay adeegsadan caruurta aadka u yar yar kuwaas oo loo adeegsada dagaalada iyo dilalka abaabulan ee ka dhaca dalka soomaaliya.

Leave a Reply