Qeeybaha| Wararka

Shabaab iyo Al qaacida oo dib u qabsaday Magaalada Dhoobley

Posted on 19 February 2010 by dadweyne

Maleeshiyadaal-Shabaab iyo dagaalyahano al qaacida ah  ayaa la sheegayaa inay dib u qabsadeen magaalada dhoobleey, iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin.

Shalay ayaa waxaa al-Shabaab Dhoobleey dagaal xoog leh kaga qabsaday ciidamo deegaanka ah iyo kuwo xisbul Islaam oo uu hogaaminayay Shiikh Axmed Madoobe.

Ugu yaraan Toban qof ayaa la og yahay inay ku dhinteen dagaalka Dhoobleey, dad intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

Qaar badan oo dhaawaca ah waxaa la geeyay magaalada Liboy ee dhinaca waddanka Kenya

Leave a Reply