Qeeybaha| Wararka

Madaxweyne Shariif oo ka digay khatarta ka imaan karta haddii diinta islaamka laga been sheego

Posted on 19 February 2010 by dadweyne

Madaxwaynaha Dowladda KMG  ee Soomaliya Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in kooxaha Dowladda ka soo hojeeda ay ku sugan yihiin  xaalad khatar diimeed ah maadaama ay banneysteen dhiigga dadka muslimiinta ah, xoolahooda iyo sharafkooda taas oo ah meel ka dhac wayn oo dhinaca diinta islmaalmka loo geesanayo.

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay kooxahaani ay diideen wada hadal iyo waddo kasta oo nabad lagu raadin karo si loo badbaadiyo dadka shacabka ah ee dhibaataysan ee nabadda iyo kaladanbayta u baahan ,waxa uu dadka shacabka ah ugu baaqay in dowladda ay gacan ka siiyaan sidii maleeshiyaadka dhiiga dadka xalaashaday looga badbaadinlhaa dalka.

Madaxwaynaha oo hadalkaan ka jeediyay xaflad loogu baroor diiqayay geeridii ku timid ahlaha u naxariistee wasiirkii Iboortiga iyo dhalinyarada ayaa sidoo kale sheegay in albaabka wada hadalka ee Dowladda uu  wali  furan yahay waxa uuna islamarkaasi tilmaamay in muhiimadda koowaad ee Dowladdu ay tahay nabad iyo in umadda laga badbaadiyo dhiig cusub oo daata.

Sidoo kale  madaxwayne Sh Shariif ayaa culimada iyo odoyaasha ugu baaqay in kaalintooda ay ka qaataan sidii looga hortagi lahaa dhalinyarada Soomaaliyed ee sida qaldan wax loogu sheegyo taas oo ah dhibaato aad u wayn oo dalka ku soo fool leh maadaama dhalinyardu ay tahay mustaqbalka dalka ee berto .

Leave a Reply