11-kii bishii February 1990, waxay soo afjartay nidaamkii apartheid ee midab-takorka ee Koonfur Afrika.
Xuska ugu weyn waxa maanta lagu samaynayaa magaalada Cape Town, halkaai oo marwadii hore ee Mnadella, Winnie Mandella, ay hogaamin doonto dadweyne aad u fara badan oo socod ka soo bilaabaya xabsigii ugu danbeeyey ee uu ku xirnaa Nelson Mandella muddo ku dhawdhaw soddommeye sano.
Ka dib markii la soo daayey, waxa suurtogashay in awoodii xukunku ay ku wareegto daweynihii madowga ee koonfur Afrika ee aqlabiyadda ahaa ee ANC ay hoggaaminaysay.
Nelson Mandella waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee Koonbfur Afrika ee madoobaa.
Mandella oo haatan da’ ah, marayana dhawr iyo sagaashan jir, waxa la filayaa in galabta waqti kooban uu ka soo qayb galo oo uu hadal kooban ka jeediyo xuskaasi





