Ururka Al Qaacida ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya xoogaga ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ay qabsan doonaan marin biyoodka isku xira gacanka Cadmeed iyo Badda Cas
Saciid Al Shahri oo ah Ninka labaad ee Ururka Al Qaacida ee Jasiirada Carabta ayaa cajalad cod ah oo la soo galiyay Bogga Internetka ku sheegay in Ururkiisa ay rajeynayaan qabsashada marin biyoodka Istiraatiijiga ah ee Baabulmandab iyagoo gacan ka helaya Mujaahidiinta Soomaaliya.
Saciid Al Shahri oo haysta Dhalashada Sacuudiga oo loo yaqoono Abuu Sufyaan Al Asdi ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimada ay u leeyahay marin biyoodka Baabulmandab ee kala bara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed kaasi oo uu sheegay in hadii ay qabsadaan taasi ay caqabad ku noqon doonto Yuhuuda oo uu sheegay in Mareykanka taageerada uu siiyo Yuhuuda uu u soo mariyo marin biyoodkaasi.
Sarkaalkaas ayaa soo dhaweeyay hadalkii Al shabaab ee ahaa in ay gurmad ciidan u sameyn doonaan kooxaha ka dagaalama dalka Yeman.





