Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dagaaladii xalay gil gilay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ay qeyb qaateen dagaalyahano Ajaaniib oo ka bar bar dagaalamay xoogaga ka soo horjeeda Dowladda.
Afhayeenka Milateriga Aadan Nuur Kaalmoy ayaa sheegay in ilaa 170-dagaalyahano ajaaniib oo maalmo ka hor laga soo dajiyay Dekeda macmalka Ceel Macaan ee duleedka magaalada Muqdisho ay qeyb ka ahaayeen dagaaladaas.
Aadan Kaalmoy ayaa intaa ku daray in ajaaniibtaas ay u dhasheen dalka Itoobiya, isagoo tibaaxay in ay ahaayeen kuwo isugu jira qowmiyadaha Itoobiya dega sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu sheegay in ajaaniibtaas xalay madaafiic ku rakibteen Xaafadaha qaar, isla markaana ay ku garaaceen goobaha shacabka si ay isaga horkeenaan Dowladda KMG iyo shacabkeeda sida uu hadalka u dhigay.





