Wararka ka imaanaya meelaha ay xooga ku haaystaan ururka Al-shabaab ayaa sheegaya in aay aad u yaraatay dhaq dhaqaaqyadii ay sameyn jireen ajaanibta ka dhinac dagaalama ururka Al-shabaab, kadib markey ka war heleen in laga yaabo in weerar uu ku soo wajahan yahay kaasoo iyaga lagu bartilmaameedsanayo.
Waxaana cabsidooda sii kordhiyey diyaarado dagaal oo maalmihii la soo dhaafay dul marayay qeybo ka mid ah deegaanada ay Al-shabaab maamulaan, inkastoo wax howlgal ah anay fulin diyaaradaas.
Dowladda KMG ah ee Somaliya ayaa la sheegayaa in ay soo gebo gebaysay diyaar garow dagaal oo ka dhan ah mucaaradkeeda, oo masúuliyiin ka mid ah ayaa ku goodiyey in maalmaha soo socda ay xoog ku maquunin doonaan nabad diidka waa sidey hadalka u dhigeene, taasi lafteeda ayaa ah cabsi kale.
Ajaanibtan ayaa waxaa la arki jiray iyagoo iska dhex mushaaxa deegaanada ay ka taliyaan Shabaabka, walibana waxay si qasab ah ku qabaan dumar badan oo Somaliyeed, iyadoo ninkasta oo ajnabi ah uu guursado intii naag ee uu doono, naag diidi kartaana aysan jirin.
Hadii ay dhacdo in ururka Al-shabaab la jibiyo, ama laga adkaado, ayaa ajaanibtan ka dhinac dagaalama Al-shabaab ay ku adkaan doontaa in ay ku dhex dhuuntaan shacabka Somaliyeed, halka dhalinyarada u dagaalama Shabaab ee Somalida ah ay u sahlan tahay in ay dadka dhex galaan ama ku dhex dhuuntaan iyagoo hubka iska dhigay, shacabkii xooga lagu haaystayna waxay ku dhiiranaan doonaan in ay sheegaan meel kasta oo Shabaab lagu sheego, sidaa daraadeed ayaana ku qasbeysa in Ajnabigu bilaabaan in ay isaga cararaan inta goori goor tahay.
Nimanka ajnabiga ah ayaa ka soo kala jeeda wadamo badan oo aduunka ah tiradoodana cid si rasmi ah u sheegi kartaa ma jirto, maamulka sare ee Shabaabkana iyagaa haya, Somalida madaxda ka ah Shabaabkana wax goáan ah oo ay leeyihiin ma jirto





