Qeeybaha| Wararka

Indhacade “Maleeshiyada Shabaab ayaa ka dambeysay dabkii Bakaaraha”.

Posted on 06 February 2010 by dadweyne

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa ku eedeysay maleeshiyada koxda Shabab in ay ka dambeeyeen dabkii dhawaan ka kacay suuqa Bakaaraha ee dhaliyay qasaaraha badan.

Wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhiga Sheikh Yuusuf Maxed Siyaad ( indhacade) ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyada Shabab ay ka dambeeyeen dabkii dhawaan ka kacay gudaha suuqa Bakaaraha kadib markii uu sheegay wasiirku in ay isku Khilaafeen iyaga dhexdooda lacago ay kala lunsadeen, taas oo keentay in goob uu shidaal ku keydsanaa ay Bam ku turaan maleeshiyo   ka tirsan Shabab sidaasna uu dabku ku bilaawqday.

 

Waxa uu tilmaamay wasiiru dowlahu in maleeshiyada alshabab ay mar walba horseed ka yihiin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed isagoona beeniyay hadal ka soo yeeray maleeshiyada Shabab oo ahaa in Dowladdu ay ka dambeysay dabkii ka kacay suuqa Bakaaraha, waxuuna intaa raaciyayin Dowladdu aaney ka suurtoobin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed balse Shabab ay yihiin dad ku can baxay dhibaateynta umada.

Leave a Reply