Ilo wareedyo Kenyan ah ayaa sheegay in kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo loogu talogalay inay ka barbar dagaalamaan ciidamada Dowladda Soomaaliya lagu tababarayo dalka Kenya.
Sarakaal ka mid ahaa ciidamada dalka Kenya oo aan magaciisa sheegin ayaa u sheegay saxaafadda in 2,500 oo ka mid ah dhallinyaro laga ururiyay Gobolka ay Soomaalidu dagto ee Kenya ay marayaan gabgabada tababarkooda loona qaadi doono Soomaaliya.
“Tababarku wuxuu ahaa mid guul leh, aadna u heersarreeya, dhallinyaradu hadda way awoodaan inay dagaalamaan, waxaana oran karaa waxaan soo saarnay koox aad u tababaran” ayuu yiri tababaraha ka tirsanaan jiray ciidamada Kenya.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay haystaan qalab aad u wanaagsan oo ay tababarro ku siiyaan ciidamada, kuwaasoo ay ka mid yihiin noocyada hubka, wuxuuna ka gaabsaday inuu sheego saldhigga uu tababarku ka socdo.
Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Yuusuf Xaaji Max’ed oo booqasho ku tagay bishii December Magaalada Isiolo ayaa sheegay in Dowladdiisu ay halkaas ka bilaabi doono tababarro ay siinayso ciidamada Soomaaliya.
“Kenya waxay ka mid tahay dalalka Bariga Afrika xaq ayayna u leedahay inay gacan ka geysato tababarka ciidamada dalalka gobolka ku yaalla, waxaana qorshaha noogu jira inaan Soomaaliya u tababarno ciidamo” ayuu yiri Yuusuf Xaaji.
Warar lagu kasoon yahay ayaa sheegay in saldhigga tababarkan uu ka socdo uu 60-km ka xigo degmada Isiolo deegaanka lagu xanaaneeyo Xayawaanka ee Samburu ee dalka Kenya





