Qeeybaha| Wararka

Maleeshiyaadka Shabaab iyo Xisbul Islaam oo qarka u saaran in ay dagaalamaan

Posted on 05 February 2010 by dadweyne

Maleeshiyada Xisbul Islaam ayaa heegan la geliyay kadib markii hogaamiyahooda Xasan Dahir Aweys uu sheegay inuu ka dhamaaday kooxdiisa dul qaadkii ay u haayan kooxda Shabaab.

Degaanada magaalada muqdisho kaga sugan yihiin maleeshiyada Xisbul islaam ayaa lagu wargeliyay in ay iska difaacan wax lagu sheegay daandaansiga kooxda shabaab.

Labada Maleeshiyo shabaab iyo Xisbul islaam ayaa isku haysta gacan ku haynta degaanada ay ku wada sugan yihiin labada kooxda sida suuqa Bakaaraha iyo degaanka ceelasha biyaha.

Kala shakiga soo dhexgalay labada maleeshiyo ayaa laga dareemay magaalada muqdisho, waxayna ku gudi jiraan hub urursi iyo diyaar garow dagaal.

Sh Xasan Dahir Aweys ayaa ku tilmaamay ku biirista Xasan Turki ku biiray Shabaab nidaam aan sharci ahayn oo mas’uuliyad daro ka muuqata.

Aweys ayaa kula dardaarmay maleeshiyadiisa in ay iska difaacan shabaab oo uu sheegay in ay ka baxeen ballamo la wada galay.

Leave a Reply