Qeeybaha| Wararka

Jen Galaal oo degaanka Guriceel kulan kula qaatay Saraakiisha iyo Golaha cusub ee Ahlu sunna Waljameeca.

Posted on 04 February 2010 by dadweyne

Wararka laga helayo Gobalka Galgauud ayaa sheegaya in uu gaaray degmada Gure-ceel Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiisha Sar sare ee Ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed kaas oo ka soo duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Â
Gen, Galaal oo safarka uu ku tagay Magaalada Guri-ceel ee Gobalka Galgaduud uu ku wehliyay Guddoomiyaha degmada ee Maamulka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) ayaa waxaa siweyn halkaas ugu soo dhaweeyay waxgaradka degmada Gure-ceel iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca.
Â
Sida ay sheegayan wararka laga helayo Gobalka Galgaduud Gen. Galaal ayaa kulan saacado badan qaatay waxaa uu la galay waxgaradka degmada Gure-ceel iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna ee Goballada dhexe kaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Gudigga Fulinta Maamulka Ahlu Sunna Maxamed Yuusuf Xeefow.
Â
Lama oga sababaha la xiriira socdaalka uu Galaal ku tagay degaanadaas oo dhawr jeer hore ku dagaalameen shabaab iyo Ahlu sunna.

Leave a Reply