Qeeybaha| Wararka

Dahir Geelle “Garoomada iyo Dekedaha ay gacanta ku hayaan Shabaab Hub ayaa uga soo dega”

Posted on 04 February 2010 by dadweyne

Wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG Dahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Alshabaab ay gacanta ku hayaan Ilihii dhaqaale ee dalka, isagoo lacagaha ka soo galana ku tilmaamay mid ay u adeegsadaan Maamulkooda.

Dahir Geelle ayaa sheegay in Garoomada Diyaaradaha iyo Dekedaha ay gacanta ku hayaan uu uga soo dago Alshabaab Hub fara badan, kuwaasoo uu tibaaxay in dhibaateynta shacabka ay u adeegsadaan.

Mr Geelle ayaa sheegay in Kooxda Alshabaab gobolada qaar ay ka wado qorista Caruur yar yar si ay ugu dagaal geliso, waxaana uu cadeeyay in maalmihii la soo dhaafay dhalinyaro la qalday ay dagaal geliyeen Shabaab, kuwaasoo ku geeriyooday dagaaladii ka dhacay Galgaduud.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG Dahir Geelle ayaa sidoo kale carabka ku dhiftay in ay rajeynayaan in Goboladaas ay soo galaan gacanta Dowladda, waxaana uu tibaaxay in ay jiraan diyaar garow ay wadaan.

Dowladda KMG ayaa marar badan oo horay ku eedeysay Kooxaha Mucaaradka gaar ahaan Alshabaab in ay Hub ka soo degsato garoomada iyo dekedaha ay maamulaan

Leave a Reply