Qeeybaha| Wararka

Kulan caalami ah oo looga hadlayo burcad Badeeda oo ka dhacaya New York

Posted on 27 January 2010 by dadweyne

Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee ka hortagga Burcad Badeedda Soomaalida ayaa maalinta berrito ah Kulan la looga hadlayo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Burcad Badeedda ku leh Xarunta Qaramada Midoobe ee magaalada New York.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Kulankaasi caalamiga ah looga hadli doono sidii ay dalalka caalamka iskaashi buuxda uga yeelan lahaayeen la dagaalanka Kooxda Burcad badeedda Soomaalida kaasoo ay ka soo qeyb gali doonaan Masuuliyiin ka kala socota 20-dal oo ka tirsan kuwa caalamka.

Waxaana Xubnaha Kulankaasi ka  qeyb galaya  kamid ah Xubno ka socda Hay’addaha  Qaramada Midoobe, Masuuliyiinta dalalka Midowga Yurub, Hay’adda Sanduuqa caalamiga ah iyo Ururo kale oo Caalami ah.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Kooxda Xiriirka caalamiga ah ee la dagaallanka Burcad badeedda Soomaalida ay muddadii halka sano ahayd ee ay jireen qabteen Howlo badan oo ay ka mid tahay Sanduuq lagu aruurinayo lacagihii loogu talo galay in lagu Maxkamadeeyo dadka loo qabqabto Burcad badeednimada iyo arrimo kale.

 

Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee ka hortagga Burcad badeedda Soomaalida ayaa Kulankoodii ugu horreeyay ku qabtay dalka Denmarka iyagoo kaga hadlay arrimo ku saabsan   sidii wax looga qaban lahaa Kooxaha burcad badeedda ee sanadihii ugu dambeeyay sii laba jibaarayay weerarada ay ku afduubanayaan Maraakiibta iyo Doonyaha Ganacsiga ee Isticmaala Xeebaha waddanka Soomaaliya

Leave a Reply