Magaalada Baladweyn oo saaka dagaal ku dhex maray dagaalyahannada Ahlusunna iyo Maleeshiyaadka kooxaha Alshabaab iyo XIsbul Islaam ayaa haatan deggan.
Dagaalka oo xooggiisu ka dhacay afaafka hore ee magaalada Baladweyne ayaa geystay khasaare nafeed oo xooggan.
Dhanka kale goobjoogayaal ku sugan magaalada Baladweyne ayaa xaqiijiyay in kooxda Alshabaab ay kurka ka jareen oo ay gawreceen 3 qof oo ka mid ah dadka deegaanka, ka dibna ay madaxyadooda soo dhigeen magaalada Baladweyne.
Ma jiro wax dambi ah oo ay geysteen dadkan rayidka ah ee kooxda Shabaab gawraca ku jiidday, laakiin maleeshiyaadka nabad diidka ayaa aalaba falal gurracan oo cabsi galin ah kula kaca dadka ku nool deegaannada ay weeraraan, ee ka biyo diidsan hab dhaqankooda.
Dad fara badan ayaa u daawasha tagay aragtida dadkaas qoorta laga soo gooyay oo lagu soo bandhigay Saldhigga Booliska ee Magaalada B/weyne





