Xildhibaan Mowliid Macaan Maxamuud ayaa sheegay in aanay suura gal aheyn in ay isaga soo tagaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo deymo farqaha loo heysto, isla markaana lagu leeyahay Lacagihii Hoteelada ay deganaayeen.
Mowliid Macaan ayaa sheegay in wax dhaqaale ah aanay xilligan Xildhibaanada heysan, si ay ugu soo ambabaxaan, waxaana uu ugu baaqay Dowladda KMG in ay ka bixiso lacagaha deymaha ee lagu leeyahay.
“Inaan is keerso Kenya uga soo tagno anagoo dhaqaale faraha ku heynin suura gal ma ahan, anaga dalka waa jecelnahay inaan dib ugu laabano dalkii, laakiin ma awoodno dhaqaale aan ku ambabaxno inaan helno”ayuu yiri Xildhibaan Mowliid Macaan oo qiray in xilligan ay jirto dhaqaale la’aan baahsan oo heysata Xildhibaanada.
Mowliid ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda in diyaarad ay u soo diraan, si ay ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in xildhibaanada jooga Nairobi ay diyaar u yihiin xilligan in ay dalka dib ugu laabtaan.
Dowladda Kenya ayaa dhowaan ku wargelisay Xildhibaanada iska fariistay Nairobi in ay dalkooda dib ugu laabtaan ama ay iska diiwaan geliyaan Xeryaha qaxootiga, kaasoo ah bahdilkii ugu weynaa ee loo geysto Xildhibaanada masruuf u noolka ah





