Qeeybaha| Wararka

Ciidamada Dowladda, kuwa Ahlu sunna iyo Maleeshiyada Xisbul Islaam oo dagaal culus ku dhex maraya Magaalada B/weyne

Posted on 22 January 2010 by dadweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Maleeshiyada Xisbul Islaam iyo Ciidamada Dowladda KMG ah iyo ahlu sunna Waljameeca uu ka bilawday waaberigii saaka.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu aad u culus yahay isla markaana la isku adeegsanayo hubka culus oo qaarkood ku dhacaya xaafadaha dadka rayidka degan yihiin in kastoo inta badan dadkii daganaa magaalada ay isaga qaxeen.

Ciidamada huwanta ah  ayaa waxay doonayaan in ay ka saaran Magaalada B/weyne maleeshiyada Xisbul Islaam oo la aaminsan yahay in ay lamaano la yihiin maleeshiyada kale ee Shabaab.

Dagaalka oo goordhaw bilawday ayaa la ogeyn khasaaraha ka dhashay laakiin wararka ayaa sheegaya in dagaalku u muuqdo mid lagu kala bixi doono oo koox u soo hari doonta gacan ku haynta Magaalada

Leave a Reply