Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyed, kuwooda ugu caansan ayaa Baadil ku tilmaamay Sakooyinka ay Kooxda Alshabaab ka aruuriyaan dadka Xoolaha leh, isagoo sheegay in aanay shareecada Islaamka waafaqsaneyn.
Sheekh Axmed Dhicisow ayaa sheegay in ay xaaraan tahay in Koox gaar ah ay dadka ka aruuriso Sako, isla markaana xoolahooda ay qaadato, waxaana uu ugu baaqay shacabka in ay xoolahooda ilaashadaan.
“Al-Shabaab xaq uma lahan in ay Sakada ay aruuriyaan, ee waxaan leeyahay dadka xoolahooda looga qaadayo in ay Sako dhiibteen ha iska diideen”ayuu yiri Sheekh Axmed Dhiciso.
Waxaa uu sheegay Sheekha in Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ay u soo tafaxeeteen in shacabka hantidooda dhacaan, waxaana uu ugu baaqay in ay ka ilaashadaan Xoolahooda sida uu hadalka u dhigay.
Shabaab ayaa ku amartay dadka xoolaha dhaqdo in ay xoolaha uga go’ay Sakada ay siiyaan maamulka Shabaab hadii kalana ay cawaaqib xumo la kulmi doonaan, waxaana inta badan sanadkan xoolaleyda ku dhaqan Shabeelooyinka iyo Jubooyinka ay sakada siiyeen Shabaabka





