Qeeybaha| Wararka

Khilaafka kooxda Shabaab oo heer xun gaaray ( horjoogayaal la xiray).

Posted on 20 January 2010 by dadweyne

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka ag dhaw kooxda Shabaab waxaa asbuucii ugu danbeeyay si wayn u socday qabqabashada qaar ka mid ah horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Shabaab.

 

Inta la ogyahay waxaa ilaa hadda gacanta lagu dhigay in ka badan 80 qof oo ka tirsan maleeshiyada Alshabaab kuwaas oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad caadi ah waxaana ay dhamaantood ka tirsan yihiin garabka ay hogaamiyaan Cali Dheere iyo Muqtaar Rooboow iyadoo qabqabashadoodana ay ka danbeeyeen kooxda isku magacawday Milatta Ibraahiim

 

Raga ilaa hadda la xaqiijiyay in la hayo waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Sanboor oo ka hawlgalayay gudaha suuqa Bakaaraha ,nin lagu magacaabo Cabdinasir Tariiq oo isna horjooge ka ahaa koox ka tirsan Alshabaab oo dilal iyo qaraxyo ka fuliya degmooyinka Dharkeenlay iyo Wadajir.

 

Waxaa kale oo ka mid ah Cabdulqaadir Carab ,Cabdiraxiim dheere iyo Cali Ciise oo dhamaantood ka tirsan waxa ay shabaabku u yaqaanaan amniyaad oo ah kuwa dadka dila, isla markaana dhaca xoolaha ay leeyihiin dadka rayidka ah

 

Waxaa ay kooxdaan ku xirxiranyihiin labo goobood oo ku kala yaala xaafadaha Ciisa Cabdi ee degmada Dayniile iyo xaafada Suuqa xoolaha waxaana qaarkood la sheegay in lagu xukumay ciqaab isugu jirta dil iyo addimmo goyn taas oo uu go’aamiyay nin lagu magacaabo Daahir gacamay oo ka mid ah ragga horboodaya kooxda milatta ibraahiim ee ka go’day Shabaab.

Leave a Reply