Qeeybaha| Wararka

WAR DEG DEG AH:DAGAAL GOOR DHAW KA QARXAY MAGAALADA B/WEYNE

Posted on 12 January 2010 by dadweyne

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhow Magaalada Baladweyne uu ka bilowday Dagaal u dhaxeeya maleeshiyada Xisbul Islaam iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca oo ay la socdaan ciidamo taageersan Dowladda KMG ah.

Gudaha Magaalada ayaa waxaa la isku weydaarsanayaa Madaafiic dhowr ah waxaana la sheegayaa in labada dhinacay haatan si toos ah ugu dagalamayaan agagaarka Buunatada Liiq liiqato halkaasi oo u dhaxeysa xaafadaha Labada dhinaca ay ku kala suganyihiin.

 

Ilaa dhowr Madfac ayaa waxaa ay ku soo dhacday Agagaarka Saldhiga Magaalada Baladweyne,Xarunta Gobolka ee Magaaladaasi iyo qeybo badan oo ka mid ah meelaha ay gacanta ku hayaan ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

 

Dagaa xoogiisa ayaa waxa uu ka socdaa Xaafada Octobar ee magaalada Baladweyne halkaasi oo uu ka socdo dagaal hubka noocyadiisa kala duwan ay isku weydaarsanayan Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo kuw Ururka Xisbul Islaam.

 

Shacabka Magaalada ayaa bilaabay in ay isaga Cararaan guryahooda maadaama aanay jirin meelo sidaasi u badan oo ay kaga dhuuntaan Madaafiicda xoogan waxaana dadkaasi haatan soo foodsaaray qal qal xoogan.

Leave a Reply