Qeeybaha| Wararka

Dagaal u dhaxeeya Ahlu sunna iyo shabaab oo ka dahcay deegaan u dhaw ceel buur

Posted on 11 January 2010 by dadweyne

Dagaal u dhaxeeya Ahlu sunna wal jamaaca iyo Maleeshiyaadka koxoda shabaab ayaa waxa uu galabta ka dhacay deegaan lagu magacaabo warxoolo oo u dhaw Degmada Ceel buur ee Gobalka Galgaduud.

Afhayeenka Culimada ahlu sunna waljamaaca ayaa xaqiijiyay in dagaalkaas ka dhacay deegaan u dhaxeeya war xoolo iyo wabxo, waxa uu  shegay Abuu yuusuf in ay ka war haleen abaabul ay wadeen maleeshiayada shabaab oo ay ku doonayeen in ay weerar ku soo qaadaan deegaaano ay maamulaan culimada balse ay isla markiiba weerar culus ku qaadeen deegankaa gacantana ay ku dhigeen.

 

Abuu yuusuf waxa kale oo uu sheegay in ay gacanta ku hayaan maxaabiis badan, kana furteen hub iyo saanad fara badan oo ay ugu tala galeen in ay u isticmaalaan dagaal ay ku soo qaadaan deeganada culimadu gacanta ku hayso.

 

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in dagaal uu halkaa ka dhacay,deegaanka war xoolana  ay hadda gacanta  hayaan kooxda ahlu sunna waljamaaca.

 

Laakiin lama haayo khasaaraha rasmi ah ee dagaalkaas geystay.

Leave a Reply