Qeeybaha| Wararka

Dagaal dhex maray maleeshiyo ka wada tirsan kooxda Xasan Dahir

Posted on 07 January 2010 by dadweyne

Sedex qofood ayaa ku geeriyootay is rasaasayn ku dhexmartay ceelsha biyaha maleeshyo ka wada tirsan kooxda xisbul islaam .

Dagaalkaan oo xalay deegaanka ceelasha biyaha ku dhexmaray maleeshiya kawada tirsan kooxda Xasan Dahir Aweys  ayaa dhacay kadib markii uu muran soo kala dhex galay maleeshiyadaasi  taa oo keentay geerida sadaxdaan ruux oo rayadka ah.

Dadka  kunool deegaanka ceelasha biyaha ayaa waxa soo wajahday cabsi xoogan ayadoona la xiray goobaha ganacsiga ee ka ag dhowaa goobta dirirtu ka dhacday .

 

Ma ahan markii ugu horraysay ay maleeshiya kawada tirsan shabaab ay isku dagaaleen  goobo dad rayad ah ku nool yihiin ayagoona qasaaro xoogan ugeystay dad aan waxba galabsan oo markii hore ka cararay dhibaatooyin ay sababtood kooxahaasi leeyihiin, waxaana dadka qaar ay tilaabooyinkaasi ku tilmaameen mid nasiib daro ah in dadkii barakacay dhibaatooyin laga daba geeyo

Leave a Reply