Qeeybaha| Wararka

Xildhibaano ku baaqay in la doorto Guddoon cusub oo uu yeesho Baarlamaanka KMG ah Somaliya

Posted on 06 January 2010 by dadweyne

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay maanta in uu dhamaaday Waqtigii uu xilka hayay gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan Madoobe iyo kuxigeenadiisa.

Xubnahan oo fadhi ku yeeshay Hotelka Weheliye ee Magaalada Muqdisho ayaa soo jeediyay in degdeg loo qabto fadhi guud oo baarlamaanka yeesha kaas oo sida ay sheegeen lagu dooran doono Guddoon cusub

 

 

Xildhibaan Cumar Islow oo ka mid ah Barlamanka oo u hadlay xildhibaanada Barlamanka ee kulanka ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la joogo xiligii Barlamanku ay dooran lahaayeen gudoon cusub Maadaama uu dhamaaday xilkii gudoonkii hore ee Barlamanka KMG ee Soomaaliya.

 

“Waxaan rabaa in aan umadda Soomaaliyeed iyo caalamka u cadeeyo in gudoonkaasi uu xiligiisu dhamaaday,Waxaana qodobka 13 aad xeerhoosaadkiisu farqadiisa Shanaad uu leeyahay hadii gudoonka Barlamanka xilkiisu uu dhamaado inta fasaxa ay ku jiraan Mudanayaasha Barlamanka gudoonka cusub waxaa la dooranayaa marka kulanka ugu horeeya la yeesho”ayuu yiri xildhibaan Cumar Islow.

 

 

“Waxaan ugu baaqeynaa marka xildhibaanada Saaxiibadeyn ah oo banaanka ku maqan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo noqdaan si loo gudo galo waajibkaasi dastuuriga oo ah in la doorto gudoon cusub”ayuu hadalkiisa sii raaxiyay xildhibaan Islow.

 

Guddoonka Baarlamaanka Somaliya ayaa waqtigiisa ku ekaa bishii Ogost ee sanadkii aynu soo dhaafnay.

Leave a Reply