Maleeshiyada Alshabaab ayaa ka jawaabtay eedeyn kaga timid Hey’ada WFP oo shalay ka dhawaajisay in ay joojisay gar gaarki ay siin jirtay dadka tabaaleysan ee ku nool Koonfurta dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamuud Raage oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in WFP ay ka mid tahay hey’adaha gaalada ah ee ka shaqeeya danaha gaalada saliibiyiinta ee uu ugu weyn yahay Mareykanka sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu tilmaamay in ay tahay wax ay ku ceebeyneyso Mujaahidiinta Alshabaab hadalada ah in lagu xujeeyey lacago ay ka dalbadeen mujaahidiinta.
Cali Dheere wuxuu ku eedeeyey WFP in ay Soomaalya keeni jirtay raashin dhacay oo u badan kuwo laga keenay dalka Mareykanka isaga oo ku sifeeyey raashinka ay keeni jirtay Soomaaliya mid dadka marka ay cunaan ku kici jiray kor cun cun iyo cuduro kale.
Laakin waxa uu hoosta ka xariiqay in dhawaan ay Alshabaab soo saareen go’aan ay WFP uga shaqeyn karto Soomaaliya kaasoo dan u ahaa beeraleyda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
Go’aankaasi ayaa WFP farayey in raashinka ay keeneyso Soomaaliya ay ka iibsato beeraleyda dalka Soomaaliya si lacagaha iyo raashinka intaba ay ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Shabaab ayaa sheegay in caqiiqo ahaan magaca WFP aanu sax aheyn, isagoo sheegay in Alle uu wax quudiyo, isla markaana ay tahay mid magaca ahaan Hey’addaas sax aheyn sida uu hadalka u dhigay.
Ilaa labo malyuun oo ruux ayaa xilligan xaalad nolol xumo ku heysaa Soomaaliya, kuwaasoo ka barakacay dagaalada ka socda dalka, waxaana wali aanay helin gar gaar iyo raashin ku filan, iyadoo WFP ay ka dhawaajisay in ay joojisay kaalmooyinkii ay gaarsiineysay dadka soomaaliyed





