Qeeybaha| Wararka

Maxamed Dheere “Aniga waxaa diyaar u ahay in ka qeyb qaato sidii Dowladda gacan ugu siin lahaa dalka in ay xoreyso”

Posted on 04 January 2010 by dadweyne

Duqii hore Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto dadaalka Dowladda KMG ugu jirto sidii ay dalka oo dhan kula wareegi laheyd.

Maxamed Dheere ayaa daboolka ka qaaday in dalka ay ku sugan yihiin Kooxo Argagixiso oo xiriir la leh Al-Qaacida, waxaana uu lagama maarmaan ku tilmaamay in dagaalka lagula jiro aanu qof kaliya ka qeyb qaadan oo dhamaan la isu garabsado.

“Dalkaan waxaa ku soo duulay Ajaaniib Argagixiso ah, shalay hadey labo iyo saddex ahaayeen, maanta boqolaal ayay gaarayaan, marka waxaa loo baahan yahay inaan dalka ka xoreyno”ayuu yiri Maxamed Dheere.

Mar uu ka hadlay dagaalkii Sabtidii ay Shabaab ku qaadeen Degmada Dhuusa Mareeb ayuu ku tilmaamay inuu ahaa dagaal gardaro ah, waxaana uu ku ammaanay Culumaa’udiinka Ahlu Sunah jabkii ay gaarsiiyeen.

“Waxaa rabaa inaan ugu hambalyeeyo Ahlu Sunah runtii darsi cusub ayay siiyaan nimankaas waana soo dhoweyneynaa”ayuu yiri Maxamed Dheere oo baaq u jeediyay Afhayeenka Ahlu Sunah Sheekh C/llaahi Abuu Yuusuf, isagoona yiri “Waxaan u jeedinayaa Afhayeenka Ahlu Sunah inuu magacaas dhaafo ee Abuu-da, waxaa rabaa inuu keliya dhaho Al-Qaadi, waayo magacaas nimankaan balaayada ayaa ku maqalnaa”.

Maxamed Dheere ayaa mar la weydiiyay inuu isaga barakiciyay dadkii Magaalada ku dhaqnaa xilligii uu Gudoomiyaha ahaa, isla markaana haatan ku dhaqan Ceelasha Biyaha, ayuu iska fogeeyay, waxaana uu sheegay in aanu cidna barakicin.

“Hadii aan aniga barakiciyay shalay markii xilka leyga qaaday maxay u soo laaban waayeen, ninka la yiraah Xasan Dahir isagaa afkiisa ku yiri anaga Kaluun ayaa nahay oo shacabka ayaa ku dhex dhuumanayaan, hadana waa la og yahay in Ceelasha Biyaha uu ku sugan yahay”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in Argagixisada uu sheegayo ay aheyd in Ceelasha Biyaha ay dhex degan yihiin shacabkii barakacay sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Dheere oo lagu tilmaamo nin dagaal, isla markaana lagu xusuusto dagaaladii uu ka qeyb qaatay ayaa la ogeyn sida xilligan Dowladda ula garab geli karo qorshaha dagaal ee ay wado, isagoo aanu wax xil ah ka heyn Dowladda.

Hadalka Maxamed Dheere ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda KMG wado qorshe dagaal, kaasoo qaban qaabadiisa maalmihii u dambeeyay ka socotay qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan Caasimada Muqdisho

Leave a Reply