Qeeybaha| Wararka

Britain iyo Maraykanka oo ka dalbaday UN-ka in ay Ciidamo u diraan Somalia

Posted on 03 January 2010 by dadweyne

Waxa jirey walaac sii siyaadayey in mudo ahba, in ururka Al Qaeda ay ka faa’idaysnayaan dhibaatooyin Yemen, oo ay halkaas ka samaysanayaan hooy amaan ah oo ay ku nabad galaan, aagagaas oo ah dhul xukuumadau gacanta ku hayn.

Hase yeeshee, bombkii lala eegtay dayuurad USA ah todobaadkii la soo dhaafay, ayaa caalamku diirada saaray, dalka wadamada Carbeed ugu saboolsan.

Waxa shilkaas ka dhashay in ay telefoonoi dhowr ah is-dhaafsadaan, Raiisal wasaaraha Britain, G Brown iyo madaxweynaha USA B Obama.

Madax labada wadan ka tirsan ayaa sheegay in ay go’aan ku gaareen in ay qaadaan talaabooyin ay iskaga kaashanayaan, khatarta kaga iman karta argagixasada ee dalalka Somalia iyo Yemen.

Ma aha oo keliya in ay Britain iyo USA-ku ay bixinayaan kharashka ciidamada gaar ah oo ka hortaga argagixisada dalka Yemen, ee waxay kaloo wada jir u taageerayaan ciidamada ilaalada xeebaha ee dalkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in weli laga shaqaynaayo tafaasiisha hawshaas oo laga in aan shaaca laga qaadin, sababao la xiriira xasaasiyada ay leedahay.

Hase yeeshee,ku dhawaaqista ayaa soo baxay laba maalmood ka bacdi markii G. Brown, uu ku baaqay, in madaxda Caalamku shir isugu yimaadaan London, dabayaaqada Bishan si loo falanqeeyo, arinta yemen.

Brown iyo Obama ayaa waxay kaloo ku heshiiyeen in UN cadaadis lagu saaro, in ciidamao balaadhan oo nabad ilaalineed la geeyo Somalia

Leave a Reply