Keeydka | January, 2010

Sheekh Umal “Shacabka Soomaaliyed waa in ay ka hortagaan Shabaab,waayo”

Posted on 31 January 2010 by dadweyne

Sheekh Maxamed Umal oo ka mid ah Culimada ugu caansan dalka Kenya ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay xalay Masaajidka Abuubakar Sadiiq ee wadada 7-ka ee magaalada Nairobi ayaa si kulul ugu weeraray maleeshiyada  Shabaab oo ka mid ah urur diimeedyada ka dagaalamaya dalka Soomaaliya.

Sheekh Umal oo ka mid ahaa Culimadii musaalaxada ee magaalada Muqdisho timid sanadkii hore, markii ay baxeen Ciidamadii Ethiopia ayaa ku tilmaamay Al-Shabab inay yihiin Khawaarij, isla markaana ruuxii dila ama ay dilaan uu yahay Ahlu-Jano sida uu hadalka u dhigay.

“Khawaarijta qofka ay dilaan iyo kan dilaba waa Ahlu-Jano, maxaa yeelay Nabigeena SCW ayaa sidaas inoo sheegay”ayuu yiri Sheekh Umal oo cod dheer ku sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyed ay si wada jir ah uga hortagaan waxa uu ugu yeeray fidneynta diinta Muqadaska ah ee Islamka ee Khawaariijtu faraha kula jiraan sida uu hadalka u dhigay.

Boqolaal Soomaali ah, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Xaafada Islii oo dhageysanayay Muxaadaradaas ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay, iyadoo ay aheyd mid farqi weyn u dhaxeysay kuwii uu horay ugu jeedin jiray Masaajidada.

Sheekh Umal lagama baran inuu si toos u waajaho dhinacyada urur diimeedyada ee ka soo horjeeda Dowladda KMG, iyadoo ay horay u jirtay inuu taageeri jiray xilliyadii ay dalka ku sugnaayeen Ciidamadii Ethiopia, waxaase dad badan ay haatan sheegayaan in Sheekhu wax badan ka badalay siyaasadihiisa.

Dhawaqa ka soo yeeray Sheekh Umal ayaa ah fariin culus oo ku socotay Shabaab oo uu Sheekhu si gaar ah ugu weeraray, waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo dadka gaaleysiinaya, iyagoo ka been sheegaya Diinta Islaamka

Comments (0)

Shabaab lagu laayay dagaal ka dhacay B/xaawo

Posted on 31 January 2010 by dadweyne

Kooxo hubaysan ayaa xalay weerar ku soo qaaday magaalada Beled xaawo ee Gobolka Gedo,dagaalka ayaa u dhexeeyay culimada Ahlu Sunnah iyo Al Shabaab.

Dagaalka ayaa la shegay in uu ilaa saaka aroortii socday,Ilaa hada waxa la xaqiijiyey in qof uu dagaalkaas ku dhintay qaar badana ay ku dhaawacmeen, laakiin waxa laga baqaya in dhimashadu intaas ka badato.

Ciidamada AhluSunnah, oo ay weheliyaan ciidamao uu wato, Barre Hiiraale, ayaa la sheegay in ay Beled Xaawo weerar ku soo qaadeen,Magaalada waxa hore u haystay Al Shabaab.

Ciidamada weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay ka baxeen magaalada.

Ma aha markii ugu horaysay oo ciidamadaasi weerar magaalada Beled Xaawo ku qaadaan.

Comments (0)

Madaxweyne Shariif ” Shabaab iyo Al-Qaacida inaan dalka ka xoreyno ayaan balan qaadeynaa, 100% ciidamadeenu waa diyaar

Posted on 30 January 2010 by dadweyne

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa balan ku qaaday in Dowladdiisa ay waqtiga dhow wajihi doonaan Kooxaha ka soo horjeeda, isagoo sheegay in sanadkan cusub ay howl galkooda noqonayo sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

“Shabaab iyo Al-Qaacida inaan dalka ka xoreyno ayaa balan qaadeynaa, dalkaan dhibaato aad u culus ayay ka hayaan, waxaana diyaar u nahay inaan nimankaas argagixisada ah aan tallaabo ka qaadno”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Mas’uuliyada Dowladda ay tahay in wax laga qabto dhibaatada ay dalka ku hayaan waxa uu ugu yeeray Shabaab iyo Al-Qaacida, isagoo si cad ah u qeexay inay taasi uga go’an tahay.

“Mas’uuliyada Dowladda waa inay nimankaas argagixisada ah wax ka qabato waa Mas’uuliyada Shacabka waana naga go’an tahay inaan wax ka qabano, waxaan hubnaa in sanad ka hor wacyiga maanta Soomaalida meesha ay kajoogaan kooxahaasi argagixisada in aysan shalay joogin oo maanta wacyiga aad buu u fiican yahay, Dowladduna in ay tallaabo qaado waxa uu ku xiran yahay wacyiga shacabka”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa mar sidoo kale uu ka hadlayay Mas’uuliyadda Alshabaab ay sheeganayaan in ay hayaan ayaa waxa uu ka yiri “Mas’uuliyadda qofka waa in loo dhiiba kooxaha argagixisada cid mas’uuliyad u dhiibatay oo Soomaali ah ma jirto matalaan, dhaqan kuma matalaan, diin kuma matalaan, waa in marka hore naftooda ay hagaagsadaan oo ilaaheey ay ka baqaan, laakin mas’uuliyadda Dowladda waad ogtihiin in shacabku ay u doorteen oo baarlamaanka uu u doortay, mas’uuliyadda dowladdaa iskaleh, diin haddii loo baahan yahay in lagu dhaqmo waa mas’uuliyadda dowladda, haddii kale fawdo ayay noqoneysaa diintuna fawdo ma ahan, Shacabka Soomaaliyeed in 100% ay muslim noqdaan dad baa ka soo shaqeeyay culumo Ajillo ah ayaa hawshani ka soo shaqeeyay, sow ma ahan kuwii ka soo shaqeeyay kuwa Qubuurahooda la qodaayo maanta, maxay galabsadeen, qofka leh Culumadii wax na soo bartay way qaldanaayeen gaalo ayay ahaayeen dhulka hoostiisayna ku jiraan xaq ma ahan, waxa nala gudboon bal sheega idinka, intee la geeyay lafahoodii oo la soo bixiyay ma baddaa lagu shubay, dhulka xittaa looma ogola, waad la socotiin dowladda dadaalka ay sameyneyso laakiin waxa ay u baahan tahay shacabka inuu garab istaago”.

Comments (0)

Somalian Government Celebrates first Anniversary

Posted on 29 January 2010 by dadweyne

Xaflada2The Transitional Federal Government of Somalia today celebrated its first anniversary as a government of national unity in Mogadishu.

The three hour-long celebrations, attended by the President, Sharif Sheikh Ahmed, together with the Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke, Speaker of the Parliament, Sheikh Adam Mohammed Nur, and senior ministers and members of parliament, included poetry readings, songs and traditional Somali dance and a series of comic sketches performed by the famous Waberi band.

 

The President highlighted the achievements of the transitional federal institutions, noting the great strides made in re-establishing the Somali security forces, the success in attracting the overwhelming support of the international community and the continued advances in institution-building.

“The past year we have been very busy building the foundations of the Somali state,” said the president. “This year, our plans are to be as self-sufficient as we can and to start providing essential services to our people such as education, health and rehabilitating the infrastructure.”

 

 

During the ceremony Al Shabab terrorists fired two mortars into the general area of the theatre where the celebrations were taking place, killing one Somali civilian and one Ugandan AMISOM peacekeeper and wounding another.

 

Despite the attack, the ceremony continued as planned, with both participants and the audience undaunted. The president immediately condemned the attack which he said highlighted the complete moral bankruptcy of Al Shabab.

 

“Our thoughts are first of all with the families of those who lost their lives today. This is a classic example of what Al Shabab represents and offers to the Somali people: absolutely nothing beyond murder and repression. This is why more and more people are turning away from these thugs and supporting our government in our efforts to restore law and order and national unity to Somalia. On this, the first anniversary of a new government and a new beginning for the country, I call upon all Somalis to join us on the path towards peace.”

 

The president also conferred the country’s highest honour on four ministers, two MPs and two senior military officers, all of whom were killed in the line of duty in the past 12 months.

 

The President thanked AMISOM troop-contributing countries for their sacrifice and he called on the international community to make good on their commitments to Somalia.

Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo culus oo xalay Muqdisho gil gilay, Mucaaradka oo weeraro saf-ballaaran soo qaaday

Posted on 29 January 2010 by dadweyne

Dagaalo culus oo watay Madaafiic xoogan ayaa xalay gil gilay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa mid dadka reer Muqdisho hurdada kaga tooseen, iyadoo dagaalkaas uu ahaa kii ugu waqtiga dheeraa mudooyinka dhaca.

Dagaaladan oo soo bilowday abaarihii 2-habeenimo ee saqda dhexe ayaa soo gaaray ilaa waabarigii saaka, waxaana dagaalada bar bar socday madaafiic aad u culus oo dadka qaar ay guryaha la gariireen marka uu dhacay.

In ka badan 10-ruux ayaa ku dhimatay dagaaladaas halka labataameeyo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dad rayid ahaa, waxaana ku jiray Haween iyo caruur dadkaas oo madaafiicda ugu tageen goobahooda.

Kooxaha Mucaaradka ku ah Dowladda ayaa weeraro waali ah ku ekeeyay Magaalada Muqdisho min gees ilaa gees, kaasoo ahaa weerarkii ugu xooganaa abid oo si saf ballaaran ugu soo qaadaan xeyndaabka Dowladda.

Wariyeyaasha Muqdisho ayaa soo sheegaya in dagaalkii xalay ilaa saaka socday uu ahaa kii ugu cuslaa ee dhaca, waxaana uu ahaa dagaal dadka reer Muqdisho waaga ugu baryay iyagoo sariirahooda dul fadhiya.

Xoogaga Mucaaradka ayaa dagaal istiraatiijiyadiisa deganeyd soo qaaday, waxaana uu ahaa mid saf ballaaran ku socday oo qorsheysnaa.

Duqeynta dagaaladaas ayaa soo gaartay saaka saacada markey aheyd 7-da subaxnimo, iyadoo xaalada magaalada Muqdisho haatan tahay mid degan oo dhinacyada dagaalamay ay kala daneysteen.

Dagaalada raatibka noqday ayaa waxay yihiin kuwo bulshada reer Muqdisho nolol maalmeedkooda noqday, waxaase dagaalkii xalay ahaa mid in badan ka duwanaa dagaaladii dhuumashowga ahaa oo si fool ka fool ah xalay la isu waajahay

Comments (0)

Qarax ka dhacay Laascaanood oo lagu dhaawacay Guddoomiyihii Gobolkaas

Posted on 28 January 2010 by dadweyne

Qarax ka dhacay maanta magaalada Laas-Caanood ayaa waxa ku dhaawacmay guddoomiyaha gobolka Sool Faarax Askar Xuseen.

Qaraxan oo lala beegsaday baabuur uu saarnaa guddomiyaha gobolka ayaa waxa ku dhintay qof ka mid ahaa ilaaladiisa, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo kale oo ilaalada ka mid ahaa iyo laba qof oo rayid ah oo ka ag dhawaa halkaasi.

Dhaawaca guddoomiyaha ayaa la sheegay in lagu daweynayo isbitaalka magaalada, iyadoo ay dhaawacyo ka gaareen dhawr meelood oo wejigu ka mid yahay.

Lama oga cidda ka danbeysay qaraxan oo ku soo beegmay xilli ay magaalada ku sugan yihiin mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan golaha wasiirrada ee Somaliland.

Magaalada Laas-Caanood ayaa dhawr jeer qaraxyo uga dheceen kuwaasi oo lala beegsanayay mas’uuliyiinta iyo ciidamada booliiska ee gobolka.

Comments (0)

Shabaabka oo Tusbax ka mamnuucay deegaanada ay maamulaan

Posted on 28 January 2010 by dadweyne

Kooxda mayalka adag ee Shabaab ayaa ka mamnuucay deegaanada ay maamulaan Tusbaxa ay caanka ku yihiin Culimada Soomaaliyed, iyagoo ku tilmaamay in ay tahay Bidco, iyadoo deegaanada ay maamulaan ku soo kordhiyay dhaqamo cusub.

Tusbax oo ah kuwo nuucyo badan ayaa kan ay qaataan Qaadiriyada ee aad u badan la sheegay in ay diideen in dadka qaataan, taasoo lagu sheegayo in ay qeyb ka yahay la dagaalanka ay kula jiraan Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo maalmihii u dambeeyay ayaa dad saarnaa Gaadiid ay kala dageen Shabaab, kuwaasoo watay Tusbaxyada waa weyn, waxaana dadkaas oo muddo ay heysteen ka goo-gooyeen tusbaxii ay wateen.

Ficilkan ayaa ka bilowday degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasoo Maleeshiyaadka Shabaabku ay dhowr ruux ku garbaasheen oo watay Tusbaxa oo dadka ay ku wardiyaan.

Tusbaxa ayaa dadka culimada ay u qaateen in ay ku cibaadeystaan oo ay ku badiyaan Alle bariga sida wardiga iyo Saliga Rasuulka (SCW), hase ahaatee go’aankan ayaa noqonaya mid dadka qaata ay caqabad ku noqon karaan

Comments (0)

Kulan caalami ah oo looga hadlayo burcad Badeeda oo ka dhacaya New York

Posted on 27 January 2010 by dadweyne

Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee ka hortagga Burcad Badeedda Soomaalida ayaa maalinta berrito ah Kulan la looga hadlayo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Burcad Badeedda ku leh Xarunta Qaramada Midoobe ee magaalada New York.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Kulankaasi caalamiga ah looga hadli doono sidii ay dalalka caalamka iskaashi buuxda uga yeelan lahaayeen la dagaalanka Kooxda Burcad badeedda Soomaalida kaasoo ay ka soo qeyb gali doonaan Masuuliyiin ka kala socota 20-dal oo ka tirsan kuwa caalamka.

Waxaana Xubnaha Kulankaasi ka  qeyb galaya  kamid ah Xubno ka socda Hay’addaha  Qaramada Midoobe, Masuuliyiinta dalalka Midowga Yurub, Hay’adda Sanduuqa caalamiga ah iyo Ururo kale oo Caalami ah.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Kooxda Xiriirka caalamiga ah ee la dagaallanka Burcad badeedda Soomaalida ay muddadii halka sano ahayd ee ay jireen qabteen Howlo badan oo ay ka mid tahay Sanduuq lagu aruurinayo lacagihii loogu talo galay in lagu Maxkamadeeyo dadka loo qabqabto Burcad badeednimada iyo arrimo kale.

 

Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee ka hortagga Burcad badeedda Soomaalida ayaa Kulankoodii ugu horreeyay ku qabtay dalka Denmarka iyagoo kaga hadlay arrimo ku saabsan   sidii wax looga qaban lahaa Kooxaha burcad badeedda ee sanadihii ugu dambeeyay sii laba jibaarayay weerarada ay ku afduubanayaan Maraakiibta iyo Doonyaha Ganacsiga ee Isticmaala Xeebaha waddanka Soomaaliya

Comments (0)

You are safe here, Raila assures Somalis

Posted on 27 January 2010 by dadweyne

Prime Minister Raila Odinga has assured the Somali community they are not targets in the crackdown on illegal immigrants.

The PM also assured those in legitimate businesses would be protected by the law and urged them to lodge complaints when their interests as citizens or legal immigrants are threatened.

Raila also appealed the US Government to mobilise international support for the Transitional Federal Government in Somalia, saying stability in the Horn of African nation would curb terrorism and piracy

In a separate meeting with US Assistant Secretary of Defence for International Security Alexander Vershbow, the PM said piracy and terrorism threats would not be resolved in the high seas or abroad if Somalia were unstable

He promised Kenya would continue playing its role in Somalia and Sudan, but expressed concern the international community has not accorded the Somalia crisis the attention and support it deserves.

 

Mr Vershbow, who paid a courtesy call on the PM, said he was in Kenya to get a better understanding of the situation in Somalia and Sudan.

He also delivered US President Barack Obama’s promise of support to the reform process in Kenya.

No ill-motive

Earlier in the morning, Raila told officials of the Eastleigh Business Community and Somali Leaders Forum who visited his Treasury office, that the ongoing operation aimed at ensuring security.

“The Government does not have any hidden agenda against the members of the Somali community. We welcome the investment you have put in the country and if the current operation appears to be getting abused, we will investigate and take necessary action,” he told them.

The officials said they do not condone the presence of illegal immigrants or defend their arrests and deportation.

They backed the move to rid the country of criminals, but expressed concern the crackdown appears to be targeting Somalis and their businesses.

Police have arrested more than 1,000 illegal immigrants. The move appears to have been prompted by the deportation of Jamaican cleric Abdullah al-Faisal, last week

Comments (0)

Shabaab oo dad rayid ah ku gawracay Baladweyn

Posted on 26 January 2010 by dadweyne

Magaalada Baladweyn oo saaka dagaal ku dhex maray dagaalyahannada Ahlusunna iyo Maleeshiyaadka kooxaha Alshabaab iyo XIsbul Islaam ayaa haatan deggan.

Dagaalka oo xooggiisu ka dhacay afaafka hore ee magaalada Baladweyne ayaa geystay khasaare nafeed oo xooggan.

Dhanka kale goobjoogayaal ku sugan magaalada Baladweyne ayaa xaqiijiyay in kooxda Alshabaab ay kurka ka jareen oo ay gawreceen 3 qof oo ka mid ah dadka deegaanka, ka dibna ay madaxyadooda soo dhigeen magaalada Baladweyne.

Ma jiro wax dambi ah oo ay geysteen dadkan rayidka ah ee kooxda Shabaab gawraca ku jiidday, laakiin maleeshiyaadka nabad diidka ayaa aalaba falal gurracan oo cabsi galin ah kula kaca dadka ku nool deegaannada ay weeraraan, ee ka biyo diidsan hab dhaqankooda.

Dad fara badan ayaa u daawasha tagay aragtida dadkaas qoorta laga soo gooyay oo lagu soo bandhigay Saldhigga Booliska ee Magaalada B/weyne

Comments (0)

Shabaabka oo sheegtay Qarax lala beegsaday xarun Caafimaad oo Ciidamada Amisom ku leeyihiin M/Muqdisho

Posted on 26 January 2010 by dadweyne

Qarax Bambaano ayaa lala eegtay Xarun Caafimaad oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM, kaasoo ay dadka ku dabiibaan, iyadoo qaraxaas uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxan oo ahaa nuuca gacanta laga tuuro ayaa lagu tuuray Xarunta Isbitaalka, waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay labo qof oo mid dumar aheyd, waxaana jirta waxyeelo soo gaartay Ciidamada AMISOM ee xilligaas ilaalada ka hayay.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Barigiye Bahoku ayaa dafiray in qaraxaas wax qasaare ah ay geysteen, waxaana uu ku tilmaamay inuu ahaa garneel kuwa gacanta laga tuuro, oo sida uu sheegay lagu soo ganay xarunta.

Sidoo kale Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere ayaa sheegtay in qaraxaas ka dambeeyeen, isla markaana qasaare culus ay u geysteen Ciidamada AMISOM, gaar ahaan dhaqaatiirtooda sida uu yiri.

Cali Dheere ayaa xusay in qaraxaas ay ku dhinteen Ciidamo iyo dhaqaatiirtooda, inkastoo aanu carabaabin, hadana weerarkaas ayuu ku tilmaamay mid howl gal kooban oo barakeysan sida uu hadalka u dhigay.

Comments (0)

Dagaal ka dhacay duleedka Magaalada B/weyne

Posted on 25 January 2010 by dadweyne

Dagaalo culus islamarkaana u dhaxeeya dhinacyada isaga soo horjeeda magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa iminka waxa uu ka socdaa agaagaarka deegaanka Ceelgaal ee duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Dagaalkani oo ah mid culus ayaa waxa uu ka socdaa agaagaarka deegaanka Ceelgaal oo 15-KM dhinaca Waqooyi bari ka xiga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana uu u dhaxeeyaa Ciidamada Dowladda Ahlu Sunna Waljamaaca oo wada socda iyo Shabaab iyo Xisbul Islaam oo wada socda

 

Dagaalka oo rasaasta iyo Madaafiicda la isweydaarsanayo laga maqlayo gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiran ayaan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay balse waxaa jira qasaaro soo gaaray dhinacayada dagaalamaya kaasi oo aan si dhab ah u cadeyn inta uu la egyahay.

Comments (0)

Midowga Yurub oo kulan Soomaliya ku saabsan ku leh Belgium

Posted on 25 January 2010 by dadweyne

Wasirada arimaha dibadda ee midowga Yurub ayaa maanta lagu wadaa in kulan looga hadlayo sidii tababaro loo siin lahaa ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ku yeelanaya magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Kulankan ay isugu imaanayaan wasiirada arimaha dibadda ee Midowga yurub maanta gelinka dambe ayaa waxaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii loo meel marin lahaa go’aan horay ay ugaareen midowga yurub oo ahaa  in tababaro kala duwan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya lagu siiyo dalka Uganda,  askartaas  oo gaaraya 2000 oo askari si ay uga hortagaan dhibaatooyinka ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.

 

Diblomaasi reer yurub ah oo u waramayey wakaaladda AFP ayaa   sheegay in tababarkaasi ay ka qayb qaadan doonan ilaa 200 oo ah macallimiin ka tirsan ciimada  Yurub, waxaana la filayaa in kulanka maanta lgu shaaciyo dalalka ay ka soo kala jeedaan ciidamadaasi tababarka siinaya kuwa dowladda KMG Soomaaliya ee furmaya bisha May ee samadkaan.

 

Sidoo kale waxaa la filayaa in kulanka maanta diiradda lagu saaro sidii saanad militeri loo siin lahaa ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya marka ay u soo dhamaato tababarkooda lagu siinayo dalka ugandha.

 

Kulankan ayaa waxa uu daba joogaa kulan bishii November ay isugu yimaadeen wasiirada difaaca ee dalalka midowga yurub kuwaa oo soo jeediyey in labo kun oo askari oo ka tirsan ciidamada Dowlada Soomaaliya lagu tababaro dalka Yugandha.

Comments (0)

Mid ka mid ah Mas’uuliyiintii shalay loo magacaabay Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo iska diiday

Posted on 24 January 2010 by dadweyne

Mid ka mid ah Mas’uuliyiintii shalay Wareegtada ku magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu qaadacay xilka loo magacaabay.

C/llaahi Cali Maxamed oo loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in uusan xilligan diyaar u aheyn xilka loo magacaabay, isla markaana uu ka soo horjeesto.

“Aniga shalay waxaa ka maqlay magacaabideyda website-yada iyo Raadiyeyaasha, marka waxaa leeyahay xilkaas aniga diyaar uma ihi, waxaan ahay Nin Macalin ah”ayuu yiri C/llaahi Cali Maxamed oo intaa ku daray in Dowladda KMG ay raadsato qof ay booskaas u magacaabato.

C/llaahi Cali Maxamed oo ah aqoonyahan ka soo jeeda Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa ku soo waxbartay dalka Shiinaha, waxaana uu haatan ku sugan yahay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Comments (0)

Maleeshiyooyinka Shabaab iyo Xisbul Islaam oo Magaalada B/weyne ka sameeyay falal isugu jira kufsi iyo dilal

Posted on 24 January 2010 by dadweyne

9 ka mid ah Dumarka Magaalada B/weyne ku dhaqan ayaa Maleeshiyada Shabaab iyo Xisbul Islaam u geysteen kufsi, jirdil iyo dil sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyada Shabaab iyo Xisbul Islaam damaceen in ay xoog ku guursadaan haweenkaas balse markii ay diideen dumarka ayaa waxay bilaabeen Shabaabka iyo Xisbul Islaam in ay xoog ku kufsadaan.

Afar ka mid ah Dumarkaas ayaa lagu kufsaday Buundada Liiqliiqato iyo 5 kalena lagu kufsaday agagaarka Saldhigga Booliska ee Magaalada B/weyne.

Dhinaca kale Shabaabka ayaa Magaalada B/weyne ka bilaabay in ay ugaarsadaan dadka magaca ku leh Magaalada iyagoo dilay ilaa iyo 4 ruux oo dhamaantood ka mid ahaa ganacsatada Magaalada.

Comments (0)

Xildhibaannada Baarlamaanka ee Nairobi ku sugan oo dhaqaale la’aan ka sheegtay

Posted on 23 January 2010 by dadweyne

Wasirka7Xildhibaan Mowliid Macaan Maxamuud ayaa sheegay in aanay suura gal aheyn in ay isaga soo tagaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo deymo farqaha loo heysto, isla markaana lagu leeyahay Lacagihii Hoteelada ay deganaayeen.

Mowliid Macaan ayaa sheegay in wax dhaqaale ah aanay xilligan Xildhibaanada heysan, si ay ugu soo ambabaxaan, waxaana uu ugu baaqay Dowladda KMG in ay ka bixiso lacagaha deymaha ee lagu leeyahay.

“Inaan is keerso Kenya uga soo tagno anagoo dhaqaale faraha ku heynin suura gal ma ahan, anaga dalka waa jecelnahay inaan dib ugu laabano dalkii, laakiin ma awoodno dhaqaale aan ku ambabaxno inaan helno”ayuu yiri Xildhibaan Mowliid Macaan oo qiray in xilligan ay jirto dhaqaale la’aan baahsan oo heysata Xildhibaanada.

Mowliid ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda in diyaarad ay u soo diraan, si ay ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in xildhibaanada jooga Nairobi ay diyaar u yihiin xilligan in ay dalka dib ugu laabtaan.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan ku wargelisay Xildhibaanada iska fariistay Nairobi in ay dalkooda dib ugu laabtaan ama ay iska diiwaan geliyaan Xeryaha qaxootiga, kaasoo ah bahdilkii ugu weynaa ee loo geysto Xildhibaanada masruuf u noolka ah

Comments (0)

Garbak Robow ee shabaab oo iska fogeeyay abuzubeyr ama Godane

Posted on 22 January 2010 by dadweyne

 Saraakiisha kooxda kala jabtay ee shabaab garab ka mid ayaa sheegay inaaney waxba ka ogeeyn nashiido la soo galiyay bogga al qimmah oo u raacsan garabka shabaab ee u hogaamiyo Axmed Cabdi Godane, nashiidaasi oo ku diyaarsan afka Sawaaxiliga.
Ali Maxmamuud Raage oo ka tirsan Garabka Mukhta Roblow ee isku naaneeysa ambumaansuur ayaa sheegay in waxba aanay ka ogeeyn nashiidadaas oo aanay ku hadleeyn magaca shabaab, sidoo kalena sheegay in al qimmah anay ku hadal afkooda.
Nashiidadu waxay sheegeeysay in ay waxa loogu yeeray Mujaahdiin ineey jecel yihiin abuzubeey oo ah Axmed Cadbi Aw maxamuud.
Taasina waa arrinka keenay in afhayeenka garbka Roobaw u iskaga fogeeyay nashiidada oo ugu baaqday abuzubeeyr in yimaado Nairobi ila Rooma.
Xariirka labada garab ayaa aad u xumaaday oo gaaray heer la isku u gaarsado si dadban.
Ajinabiga intiisa badan waxay raacsan yihiin abuzubeeyr oo xaqiijiyay inuu daacad u yahay Cusaama bin laaden oo hogaamiya uruka baxsadka ah ee al qaacida.

Farxaan Jaamac Xassan

Muqdisho

Comments (1)

Ciidamada Dowladda, kuwa Ahlu sunna iyo Maleeshiyada Xisbul Islaam oo dagaal culus ku dhex maraya Magaalada B/weyne

Posted on 22 January 2010 by dadweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Maleeshiyada Xisbul Islaam iyo Ciidamada Dowladda KMG ah iyo ahlu sunna Waljameeca uu ka bilawday waaberigii saaka.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu aad u culus yahay isla markaana la isku adeegsanayo hubka culus oo qaarkood ku dhacaya xaafadaha dadka rayidka degan yihiin in kastoo inta badan dadkii daganaa magaalada ay isaga qaxeen.

Ciidamada huwanta ah  ayaa waxay doonayaan in ay ka saaran Magaalada B/weyne maleeshiyada Xisbul Islaam oo la aaminsan yahay in ay lamaano la yihiin maleeshiyada kale ee Shabaab.

Dagaalka oo goordhaw bilawday ayaa la ogeyn khasaaraha ka dhashay laakiin wararka ayaa sheegaya in dagaalku u muuqdo mid lagu kala bixi doono oo koox u soo hari doonta gacan ku haynta Magaalada

Comments (0)

Danjiraha Maxamed Cali America oo u bareeray difaaca somalida ku dhaqan Kenya

Posted on 22 January 2010 by dadweyne

Safiirka Somaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ayaa Labadii Maalmood aynu soo dhaafnay si xiriir ah ugu mashquulsanaa sidii loo badbaadin lahaa Somali fara badan oo xabsiyada Kenya ka buuxa kuwaas oo ay soo qabqabteen Ciidamada amaanka ee dalka Kenya.

Danjire Maxamed Cali America ayaa dadaal u galay sii deynta boqolaal soomaaliyed oo isugu jira Mas’uuliyiin iyo dad rayid ah kuwaas oo ku rafaadsanaa Xabsiyada Magaalada Nairobi.

“Waxaan is lahaa ma jirto cid somalida u doodaysa sida dadka kale ee ajanabiga ah oo marka dhibaato soo gaarta Safaaradahooda u istaaga, waxaan Kenya jooga in ka badan 14 sano maalin kaliya ma arkin Mas’uul soomaaliyed oo u taagan difaaca dadkiisa, ilaahay mahadiisa maanta waxaan haysanaa Safaarad noo doodaysa”ayuu yiri Xaaji Cali Ibraahim oo ka mid ah Ganacsatada Magaalada Nairobi.

Haweenay lagu magacabo Caasha Muxyadiin Cigaal ayaa iyadana laga soo xigtay in Safiirka Somaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali America uu mudan yahay in la siiyo bilad sharaf maadama halgan dheer u galay sii deynta boqolaal soomaaliyed oo ku dhibaataysanaa xabsiyada waa weyn ee Magaalada Nairobi.

Danjire America ayaa kala hadlay Mas’uuliyiinta Dowladda Kenya in la joojiyo raafka iyo xariga dadka soomaalida maadama dalkooda dagaalo sokeeye ka socda aysana jirin meel ay ku laabtan dadkaas oo uu sheegay in ay ka soo qaxeen dagaalada iyo dhibaatooyinka ay kala kulmayaan kooxaha ka soo horjeeda nabada soomaaliya.

Xarunta Safaaradda Soomaaliya ayaa ah meel aad u mashquulsan waxaana halkaas gaaraya dad fara badan oo Safaaradda ka soo qaadanaya warqadaha aqoonsiga.

Danjire Maxamed Cali America ayaa booqday Xabsiyada ay ku jiraan dadka soomaalida isagoo ku dadaalay in la sii daayo caruur iyo dumar iyo dad kale oo u badan dhalinyaro.

Safiirka ayaa sheegay maalintii shalay in Dowladda Kenya ay raali gelin ka bixisay xariga Mas’uuliyiinta Dowladda ee dhawaan Ciidamada amaanka xabsiyada u taxaaben.

Soomaalida ku nool Magaalada Nairobi iyo Magaalooyinka kale ee Kenya ayaa tallaabadaas ku tilmaameen mid wadaniyad ah oo mudan in Safiirka lagu sharfo maadama uu marna ka seexanin xaalada hadda taagan.

Howl maalmeedka Safiirka ayaa noqday Maalmahan in Dowladda Kenya laga dhaadhiciyo in ay tixgeliyaan shacabka soomaaliyed si kastaba ha ku joogan dalka Kenya.

Sidoo kale Safiirka ayaa u mahad celiyay Dowladda Kenya isagoo uga mahad celiyay sida wanaagsan ee 20 kii sano aynu soo dhaafnay u soo dhaweeyen dadka soomaaliyed ee ka soo barakacay dagaalada aan dhamaadka lahayn.

Waxqbadka Safiirka kuma eka oo kaliya sii deynta dadka xirxiran sidoo kale waxaa uu caawiyaa dadka ku dhibaataysan gudaha dalka Kenya iyo xadka u dhaxeeya Somaliya iyo Kenya isagoo halkaas gaarsiiyay gargaar bani’aadan.

Dhawaan ayay ahayd markii safiirka Somaliya ee Kenya Maxamed Cali America beesha Caalamka ka codsaday in la badbaadiyo labo gabdhood oo isku dhegan kuwaas oo aan waxba looga qaban Karin somaliya iyo Kenya isagoo dhawr jeerna ku booqday Isbitaal ay ku jiraan caruurtaas oo ku yaala Magaalada Nairobi.

Intaas kaliya ma aha Safiirka waxaa uu duleedka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho ka furay dugsi waxbarasho oo uu isago jeebkiisa ka maalgeliyay kaas oo laga dhaqan geliyay degaanka Carfiid waxaana fursadaas ka faa’ideystay caruur fara badan oo ka qaxay Magaalada muqdisho kuwaas oo haysatay waxbarasho la’aan sidoo kale isla degaankaas ayuu Safiirka ka qoday ceel biyood.

Marka la fiiriyo Safiirada somaliya u fadhiya dalalka Dibadda waxaa la dhihi karaa Danjire Maxamed Cali America Safiirka waxqabadkiisa muuqda oo danta guud si buuxda ugu adeegay isla markaana uu yahay Safiirka koowaad ee Safaaradaha Dibadda.

Comments (0)

Mid ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyed oo baadil ku tilmaamay Sakada dadka ay ka aruuriyaan Alshabaab

Posted on 21 January 2010 by dadweyne

Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyed, kuwooda ugu caansan ayaa Baadil ku tilmaamay Sakooyinka ay Kooxda Alshabaab ka aruuriyaan dadka Xoolaha leh, isagoo sheegay in aanay shareecada Islaamka waafaqsaneyn.

Sheekh Axmed Dhicisow ayaa sheegay in ay xaaraan tahay in Koox gaar ah ay dadka ka aruuriso Sako, isla markaana xoolahooda ay qaadato, waxaana uu ugu baaqay shacabka in ay xoolahooda ilaashadaan.

“Al-Shabaab xaq uma lahan in ay Sakada ay aruuriyaan, ee waxaan leeyahay dadka xoolahooda looga qaadayo in ay Sako dhiibteen ha iska diideen”ayuu yiri Sheekh Axmed Dhiciso.

Waxaa uu sheegay Sheekha in Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ay u soo tafaxeeteen in shacabka hantidooda dhacaan, waxaana uu ugu baaqay in ay ka ilaashadaan Xoolahooda sida uu hadalka u dhigay.

Shabaab ayaa ku amartay dadka xoolaha dhaqdo in ay xoolaha uga go’ay Sakada ay siiyaan maamulka Shabaab hadii kalana ay cawaaqib xumo la kulmi doonaan, waxaana inta badan sanadkan xoolaleyda ku dhaqan Shabeelooyinka iyo Jubooyinka ay sakada siiyeen Shabaabka

Comments (0)

YEMEN: Ministry announces refugee registration deadline

Posted on 21 January 2010 by dadweyne

Yemen’s Interior Ministry on 18 January announced that all unregistered refugees in Yemen must register with the authorities within two months. It justified the move saying illegal immigration was a real threat to the country’s security.

 

 

“Illegal immigrants from the Horn of Africa were found to be engaging in the war waged by Houthi-led Shia rebels against the government in the northern province of Saada, as well as in other violent acts and crimes,” Abdussalam Jawhar, head of Refugee Affairs Department (RAD) at the Interior Ministry, told IRIN on 19 January.

 

“When those immigrants have legal status, this will help us identify their residence addresses, observe their movements in various parts of the country, and recognize their IDs,” Jawhar said.

 

 

 
Photo: Adel Yahya/IRIN
According to UNHCR, all Somalis arriving in Yemen are granted prima facie refugee status

He warned that immigrants who are still unregistered after the deadline expires, will be deported.

 

 

The UN Refugee Agency (UNHCR) is coordinating the registration process, supporting the government with equipment and funding, and handing out forms at its reception centres, but it is the government which issues refugee IDs.

 

UNHCR supports the government’s right to ensure that everybody is accounted for, provided that Yemen’s obligations under international law are respected, Rocco Nuri, UNHCR’s Aden-based external relations officer, told IRIN.

 

Registration

 

According to Jawhar, the Interior Ministry and UNHCR run three refugee registration centres – two in southern Aden and Lahj governorates (Basatin and Kharaz camps respectively), and one in Sanaa.

 

“Further centres will be opened in Taiz, Shabwa, Hadhramaut, Hajjah and Hodeidah governorates,” Jawhar said. “The cost of refugee registration is covered by UNHCR.”

 

“The total number of immigrants in the country is estimated at 740,000. However, only about a quarter have [refugee] status,” he said.

 

 

 
Photo: Adel Yahya/IRIN
It took three months for handicapped Somali Huda Ali to be granted refugee status because she did not come to one of the reception centres near Yemen’s coast

At the end of 2009, there were 170,854 refugees registered with UNHCR – including 35,000 registered since March 2009 by the government’s permanent registration centre in Sanaa (funded by UNHCR) – according to Andrew Knight, UNHCR’s external relations officer in Sanaa.

 

 

Knight said “refugees can register with the government and thereby legalize their stay in Yemen.”

 

According to the 2010 UNHCR country profile – Yemen, Yemen has a generous open-door policy for Somalis, granting new arrivals prima facie refugee status, but many Ethiopians are arrested and either detained or deported. Some migrants are fearful of the security forces and go underground as soon as they reach the country, avoiding assistance and advice available at UNHCR reception centres.

 

The UNHCR in Yemen received 77,802 new arrivals from the Horn of Africa in 2009, a 55 percent increase over 2008, and for the first time Somalis were not the majority nationality. The number of Ethiopians making the perilous boat journey across the Gulf of Aden more than doubled to 44,814.

 

Discrimination?

 

Some experts say that while Somalis are unlikely to have problems regularizing their status, non-Somali African immigrants might find it difficult to do so.

 

Ame Addu, aged 34, currently living in Safiya zone in Sanaa and originally from the Oromia region of Ethiopia, fears being deported as a result of the new measures. “I went to the UNHCR office in Sanaa several times in an attempt to get a refugee ID but couldn’t. Had I been from Somalia, I would have got an ID,” he said.

 

Addu, who fled his home country in early 2008, said: “I fled to Yemen in order to survive. There is nothing in Oromia except poverty, drought and famine”.

 

“I make some YR 700-900 (US$2.5-3.5) a day cleaning cars in Sanaa’s streets, but in Oromia I used to go for months without any money,” he said.

 

Source: IRIN

Comments (0)

Stop hiding in Kenya, Somali MPs told

Posted on 21 January 2010 by dadweyne

Kenya has warned MPs from Somalia to stop using Nairobi as a safe haven from the chaos in their own country.

Immigration Minister Otieno Kajwang told the BBC he was on the verge of telling the MPs to register as refugees if they wanted to stay in Kenya.

The BBC’s Will Ross, in Nairobi, says there are estimated to be 100 Somali MPs in Kenya at any one time.

Kenyan police arrested several Somali MPs in a round-up of people suspected of taking part in a riot last week.

our 

correspondent says many Kenyans view their neighbouring country with increasing fatigue, concerned that the insecurity in Somalia could spread over their porous border.

 

‘In their trenches’

Relations between the two countries have been strained in recent days after a demonstration in Nairobi over Kenya’s detention of a controversial Muslim cleric turned violent.

 

 

I think we are about to say that either you come in as refugees and you go the camps or you go back to your own country
Otieno Kajwang

Kenyan officials blamed extremists from Somalia for orchestrating the violence and arrested about 300 ethnic Somalis – charging 141 with immigration offences and releasing the rest.

Among those detained and later released were 12 Somali MPs and several government officials.

Somalia protested to Kenya over the arrests, but Mr Kajwang said his patience with the MPs was close to running out.

“The politicians causing trouble in their country and coming to hide here and reorganise how to re-launch their positions in their trenches – it is not helpful to them and not helpful to us,” he said.

“We think they must take the security of their country seriously and not endlessly look for Kenya as a safe haven after destroying their own institutions.”

“I think we are about to say that either you come in as refugees and you go the camps or you go back to your own country.”

Source: BBC

Comments (0)

Khilaafka kooxda Shabaab oo heer xun gaaray ( horjoogayaal la xiray).

Posted on 20 January 2010 by dadweyne

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka ag dhaw kooxda Shabaab waxaa asbuucii ugu danbeeyay si wayn u socday qabqabashada qaar ka mid ah horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Shabaab.

 

Inta la ogyahay waxaa ilaa hadda gacanta lagu dhigay in ka badan 80 qof oo ka tirsan maleeshiyada Alshabaab kuwaas oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad caadi ah waxaana ay dhamaantood ka tirsan yihiin garabka ay hogaamiyaan Cali Dheere iyo Muqtaar Rooboow iyadoo qabqabashadoodana ay ka danbeeyeen kooxda isku magacawday Milatta Ibraahiim

 

Raga ilaa hadda la xaqiijiyay in la hayo waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Sanboor oo ka hawlgalayay gudaha suuqa Bakaaraha ,nin lagu magacaabo Cabdinasir Tariiq oo isna horjooge ka ahaa koox ka tirsan Alshabaab oo dilal iyo qaraxyo ka fuliya degmooyinka Dharkeenlay iyo Wadajir.

 

Waxaa kale oo ka mid ah Cabdulqaadir Carab ,Cabdiraxiim dheere iyo Cali Ciise oo dhamaantood ka tirsan waxa ay shabaabku u yaqaanaan amniyaad oo ah kuwa dadka dila, isla markaana dhaca xoolaha ay leeyihiin dadka rayidka ah

 

Waxaa ay kooxdaan ku xirxiranyihiin labo goobood oo ku kala yaala xaafadaha Ciisa Cabdi ee degmada Dayniile iyo xaafada Suuqa xoolaha waxaana qaarkood la sheegay in lagu xukumay ciqaab isugu jirta dil iyo addimmo goyn taas oo uu go’aamiyay nin lagu magacaabo Daahir gacamay oo ka mid ah ragga horboodaya kooxda milatta ibraahiim ee ka go’day Shabaab.

Comments (0)

Puntland oo xirxirtay Labo nin oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Maleeshiyada Shabaab

Posted on 19 January 2010 by dadweyne

Maamul Gobaleedka  Puntland ayaa maanta ka hadlay Markii ugu horeysay 2 dhalinyaro ah oo labo maalin ka hor laga soo qabtay gudaha magaalada Garoowe, kuwaas oo maamulku ku sheegtay in ay ka tirsan yihiin kooxda Shabaab ee dagaalada ka wada dalka  Somaliya.

 

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xarunta Gobolka Nugaal ee Garowe ayaa ka warbixiyay Waxa uu yahay mowqifka Dowladu, isagoo sheegay in dowaldu  ay haddii ay dembiga ku hesho labadaas nin ay la tiigsan doonto maxkamad kuna qaadi doonto talaabo sharci ah.

 

Waxuuna sidoo kale ku nux nuxsaday gudoomiyaha gobolka nugaal in ay baritaano ay sameyeen ciidamada amaanka lagu qabtay ragaani labada ah.

 

Sidoo kale waxaa qabashada labadan wiil ka hadlay eheladooda waxaana ay sheegeen in aanay waxyaabaha lagu soo eedeeyay wiilashooda  waxba ka ogeen.
Hadaba ciidamada amaanka ee Puntland ragaani ay soo qabteen ayaa lagu sheegay in ay lug ku leeyihiin dilalkii qorshaysaa ee ka dhacay caasimada maamul goboleedka puntland.

 

Si kastaba ha ahaatee muran ka dhashay xariga labadan wiil ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Garowe kaa oo sababay Mudaaharaad yar oo kooban taas oo ay dad careysani u adeegsadeen in ay taayaro ku gubaan bartamaha Laamiga Garowe

Comments (0)

Faarax Macalin oo Shabaabka ku tilmaamay koox fuli ah

Posted on 19 January 2010 by dadweyne

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax Macallin ayaa sheegay in maleeshiyooyinka Shabaab loogu talagalay inay dhaawacaan diinta oo ay dadka Soomaalida ah ka saaraan islaannimada.

Faarax Macallin ayaa ku tilmaamay falalka ay ku kacdo maleeshiyadaasi ee qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ah, ee lala beegsado dadka muslimiinta ah inay tahay arrin looga gol leeyahay in lagu xumeeyo magaca islaamka.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa tusaale u soo qaatay dadka la dilayo iyagoo masaajidda ku soo cibaadeystay, isagoo sheegay qofkii qof muslim ah dulmi bareer ah ku dila inuu naarta galayo sida uu dhigayo qur’aanka.

Faarax Macallin ayaa ugu baaqay dadka Soomaalida ah ee deegaanka ama ganacsiga ku leh Kenya inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan, oo ay kaalintooda ka qaataan sidii looga hortagi lahaa kooxahaasi inay Kenya dhibaato ka geystaan, dowladdana ay arrimahaasi kala shaqeeyaan.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay kooxahaasi inaanay jirin xuduud celisa, “Wiil yar oo fuleynimo darteed wejiga u qarsaday oo AK47 intuu kor u ruxo dhahaya waxaan ku qabsanayaa caalamka oo dhan, ma garan karno wuxuu damacsan yahay” ayuu yiri Faarax Macallin oo intaa ku daray, marka ay arrintu dagaal dhab ah tagto inay maleeshiyooyinkaasi baqo cararaan.

Faarax Macalllin ayaa sheegay inay garab taagan yihiin dadka Soomaalida ah, ayna ku guuleysteen dowladda Kenya inay ka dhaadhiciyaan danteedu inay ku jirto xasilooni Soomaaliya ka hirgasha

Comments (0)

Xukuumadda Soomaaliya oo ansixisay Lacag cusub oo loo sameynayo Soomaaliya

Posted on 18 January 2010 by dadweyne

Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta waxay go’aamisay in xukuumaddu soo daabacdo lacag cusub oo shilin Soomaali ah.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen oo uu shir gudoominayay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiir Cali Sharmarke ayaa lagu go’aamiyay in la sameeyo lacag cusub oo shilin Soomaali ah taasoo ah astaan qaran oo dalku ku faani karo,   dowr wacanna  ka qaadan doontaa in gabi ahaan  meesha ka baxaan lacagaha sharci darrada ah ee dalka lagu daabaco.

 

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in habka isticmaalka, hanaanka Suuq gelinta iyo wixi farsamo ah loo saari doono guddi ka kooban dhaqaale yaqaan Soomali ah iyo Kuwo caalami ah, kuwaasoo talo farsamo ka soo bixin doona sida uu dalka u geli lahayd lacagtaas cusub.

 

Xakamaynta qiimo dhaca shilin soomaaliga ayay dowr muhiim ah ka qaadan doontaa lacagtaan Cusub sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya, sidoo kale waxay meesha ka saari doontaa in lacag been abuur ah lagu dhaco hantida shacabka Soomaaliyeed.

 

Golaha wasiirada aya sidoo kale maanta shirkooda ku magacaabay Maxamed xaaji cali in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe Soomaaliya kaas oo la sheegay in uu qibrad u leeyahay howlaha Bangiyada kana soo shqeeyay bangiyo dalka Dibadiisa ku yaala.

 

Go’aanka golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa daba jooga heshiis dhawaan magaalada Khartuum ku dhex maray Dowladaha Suudaan iyo Soomaaliya taas oo lacag cusub loogu sameynayo Dowladda Soomaaliya

Comments (0)

Kenya oo eedeysay Shabaab

Posted on 17 January 2010 by dadweyne

Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay Shabaab inay ka danbeysay rabshadihii Jimcihii ka dhacay magaalada Nairobi oo ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof.

Wasiirka amniga qaranka ee dowladda Kenya, George Kinuthia Saitoti, ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id, kadib markii uu ka qeybgalay kulan ay yeesheen xubnaha baarlamaanka ee muslimka ah iyo maamulka masaajidka Jamia.

Wasiirku waxa uu sheegay in laanta sirdoonka ee dowladda Kenya ay la socotay mudaharaadkaasi, inuu noqon doono mid rabshado wata, isla markaana ay qaban qaabinayeen kooxo taageersan Shabaab.

Rabshadaha ayaa waxaa ku dhaawacmay dad ka badan 10 qof, markii ay isku dhaceen ciidamada booliiska magaalada Nairobi iyo dad muslimiin ah oo ku mudaharaadayay masjidka Jamia ee ee ku yaalla caasimadda Nairobi ee waddanka Kenya.

Sarakiisha isbitaalka Qaran ee Kenyatta ayaa xaqiinaya dhimashada halka qof iyo dhaawaca waxayna sheegayaan in dhamaantood dadka dhaawaca ah ay xabad ku dhacday.

Sidoo kale afar ka mid ah ciidamada booliiska ayaa iyaguna la sheegay in isbitaal loo dhigay dhaawacyo ka soo gaaray rabshadaha.

Mudaharaadka ayaa ka bilowday wadaad Muslim ah oo u dhashay waddanka Jamaica oo la yiraahdo Abdalla Al Faysal oo dhawaanahan muran uu ka taagnaa markii dowladda Kenya oo booqasho uu ku yimid waddankeeda ay iska masaafurisay oo Nigeria ay dib uga soo celisay waddankeeda

Comments (0)

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo sheegay in Shirkadaha Xawaaladaha dalka ay yihiin wax tar

Posted on 16 January 2010 by dadweyne

Bashiir Ciise Cali oo ah gudoomiyaha Bankiga Dhaxe ee Somaliya ayaa sheegay in xawaaladhu yihiin tiirka nolaleed ee ugu weeyn dhinca dhaqaalaha iyo soo gudbinta qooysaska Somaalieed intooda badani lacagta ay nolashooda ku maamulaan.

“Marki dowladii dhaxe burburtay waxa dadka Soomaaliya kaalin weeyn u galay shirkadaha lacagaha kala gudbiya, waxaa kaloo ay ku sharfan yihiin u hayaan howlaha ay u haayan hay’daha samafalka,” ayu yiri Bashiir oo Nairobi kula hadlayay warfidiyeenada.

“Qaab ay dadka Somaaliyeed ugu gudbiyaan lacagahu waxay waafaqsanyihiin sharciyada lacgeed ay bangiyada aduunku u gudbiyaan hantida” ayu yiri Bashir.

Sidoo kale waxaa u yiri guddomiyuhu Bangiga Dhaxe ee Somaaliya waxaa u aqoonsanyahay kaalinta ay ugu jiraan Shirkadaha lacagha gudbiya ee loo yaqaan (money transfer) dhaqaalaha dalka.

“Waxaa ay hayaan wax qabad aanay jirin dowlad Somaali oo qaban karta, xataa anagu dowlad ahaan waan adeegsanaa,” ayuu yiri isagoo ku daray “waxa ay ka soo qaadaan lacag oday, gabar ama will eheladiisa u diraya masruuf, ijaar, lacag daawo iyo wax kaloo badan ee nolosha shacab dagaal ku qasbay in ay ku dhex noolaadan muddo ka badan 20 sano oo dalka nidaam la’aan ku jiray,” Bashiir ayuu yiri.

Dalka Somaaliya waxa ka jira shirkadu lacgaha u kala gudbiya ee loo yaqaan xawaalado oo dalka u soo qaada hanti ka timid bulshada somaliyeed ee ku sugan dibada. Qaramada midoobay ayaa qirsan in lacgata ugu badan Somaalidu ka hesho eheladooda dibada jira.

Waxaa kaloo la aqoon san yahay in dalka ay shirkadahan ka badbaadiyaan macaluul baahsan ee ku timaada madaama sadeexdi qooys ee Somaali ah laba dibada wax ka hesho ama ku lamaan yihiin.

“Shirkadahan ma qaadaan lacago shaki ku jiro ama loo adeegsado qaab ka duwan maareeynta nolosha caadiga ah,” ayuu sidoo kaleh ku dooday guddomiyaha oo ku sugan xiligan dalka Kenya isago la hadlayay warfidiyeenada ku sugan Nairobi.

Waxaa intaa u ku daray in shirkadahan siiyaan shaqoo dad Somaaliya ah oo aad tiro badan, isla markaana ka qeyb qaataan samafalka, dhaqn galinta nabada iyo arrimaha bulshada ee ka leh.

“Waxaan u sheegayaa dad Somaaliyeed ee ku sugan dalka meelaha ka baxsan iney labalaabaan kaalmada ay u soo gudbinayaan ehelkooda. Waxaanan u cadeeynayaa in lacagtooda tahay mid gaareeysa meelihii loo talagay sidii aan ka baranay shirkadaha dalkeena ka howl gala,” ayuu ku xiray warbixintiisa oo aad u dheereeyd.

Mr Bashiir ayaa ka cawday warar si qaldan ay uga soo xigatay mid ka mid ah Wakaaladaha Wararka ee Adduunka

 

 

Comments (0)

Idaacado ku yaal Magaalada Galkacyo oo bambaanooyin lagu weeraray, Saddex wariye oo ku dhaawacantay

Posted on 16 January 2010 by dadweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay bam gacmeedyo ay ku dhaawacmeen ilaa 3-wariye lala beegsaday Saddex Xarumo Idaacadeed ku yaala Magaaladaas.

Kooxo Hubeysan oo aan heebtooda la aqoonsan ayaa xalay Bambooyin ku weerareen Idaacadaha Hobyo, Radio Galkacyo iyo Radio Codka Mudug, waxaana idaacadahaasi qaraxyada lagu weeraray ka dhashay dhaawacyada Saddex Wariye.

Goobta qaraxa xalay ka dhacay waxaa soo buux dhaafiyeen dad weyne iyo Ciidamada maamulka, waxaana xarumahaasi laga daabulay dhaawacyada wariyeyaashaasi oo la dhigay goobaha Caafimaadka Magaalada Gaalkacyo.

Ilaa iyo hadda ma jirto mas’uuliyada weeraradaasi cid sheegatay, laakiin waxaa xalay qal qal iyo cabsi ku beereen wariyeyaashii kale iyo dadka deegaanka oo layaab ku noqotay weerarka lagu beegsaday xarumaha Idaacadahaas.

Weerarada qaraxyada ayaa maalmihii u dambeeyay joogto ka noqday magaalada Galkacyo, waxaana qaraxyo kala duwan lagu beegsaday saraakiisha Maamulada Puntland iyo Galmudug, iyadoo weerarkii xalay ahaa mid ka duwanaa weeraradii horay uga dhici jiray magaalada Galkacyo

Comments (0)

Laascaanood oo lagu dilay Taliye Sare

Posted on 16 January 2010 by dadweyne

Taliyaha Howlgallada Qeybta Ciidamada Booliska ee Magaalada Laasa caanood Cusmaan Faarax Cabdi ayaa caawo fiidkii lagu dilay Magaaladaasi xilli uu ku sugnaa agagaarka  Hoygiisa.

Wararka laga helayo Ilo Muhim ah oo ku sugan magaalada Laasacaanood ee Gobalka Sool ayaa sheegaya in ay Kooxo Hubeysani caawo dil u geysteen Taliyihii Howl gallada Qeybta Ciidamada Boliska Magaalada Laasa Caanood kuwaasoo ku hubeysnaa Bastoolado, waxa uuna falkaasi ka dhacay Agagaarka Gurigiisa oo ku yaalla isla magaaladaasi.

 

Ma jiraan illaa iyo hadda Cid sheegatay Masuuliyadda Dilkaasi, hase ahaatee Saraakiisha Ciidamada Booliska Magaalada Laasacaanood ayaa wada Howl gallo ay ku baarayaan dadkii ka dambeeyay Dilkaasi si loo soo qabto dadkii gacan ku dhiigleyaasha ahaa.

 

Dilalka noocaan oo kale ayaa badanaa waxaa ka mas’uul ah kooxda mayalka adage e Shabaab kuwaas oo dad fara badan ku laayay koonfurta iyo bartamaha somaliya

Comments (0)