Qeeybaha| Wararka

Maleeshiyada Shabaab oo Raashin Macaawino ah dhacay

Posted on 31 December 2009 by dadweyne

Maleeshiyada kooxda Shabaab ayaa dhac u geystay cunto macaawino ah oo ku sii jeeday degmada Ceeldheer ee Gobalka Galguduud sida ay sheegayan wararka halkaas naga soo gaaraya

Wararka laga helayo degaanka Yamaarugle oo u dhaxeeysa deegaanada Ceelbuur iyo Ceeldheer ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaab ay dhaceen 5 gaari oo ah nooca TMka loo yaqaano kuwaas oo ku sii jeeday degmada Ceeldheer.

 

Wararka ayaa sheegaya in Koox ka tirsan Shabaab ay qaateen cunto isugu jirta Galey iyo Saliid Mucaawino ah oo ka timid magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta gobalka Galguduud.

 

Gawaaridaan ayaa ku sii jeeda Tuulooyin ka tirsan degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud waxaana maleeshiyada ka badbaaday laba gaari oo la socotay kolonyada mucaawinada ah ee Yamaarugle lagu weeraray.

Leave a Reply