Maleshiyada Kooxda Shabaab ayaa la wareegay xarunta Hay’adda Cuanada aduunka ee WFP ay ku lahayd magaalada Bu’aale ee gobalka Jubada dhexe.
Wararka laga helayo degmada Bu’aale ayaa sheegaya in sadex maalmood ka hor ay la wareegeen maleeshiyadu xaruntaas, waxeyna kala ceyriyeen shaqaalihii u shaqeynayay Hay’adda ayagoo goobta u bedelay aag Ciidan.
Maleeshiyada Shabaab ayaa Hay’adda WFP weydiistay lacag gaaraysa $20,000. labaatan kun oo doolar, si ay u baneeyaan xaruntooda, waxaana la sheegay in ay halis ku jiraan agabka yaala xarunta ee ay leedahay Hay’adda WFP.
Wax hadal ah kama soo bixin WFP oo ku aadan arrrintaan, waxaana la sheegay in maleeshiyada Shabaab ay xarunta Hay’adda deegaan uga dhigtay dad ajnabi ah.
Dhawaan ayay ahayd markii maleeshiyada Shabaab ay la wareegeen xarunta World Vision oo ku taala isla magaalada Bu’aale, halkaas oo ay ka qaateen lacag madax furasho ah kadib markii ay muddo xoog ku deganaayeen xaruntooda.
Sidoo kale maleeshiyadu waxey bililiqo baahsan u geysteen xafiiska Hay’adda Mine Action ee ku yiilay magaalada Baydhabo, kalkaas oo ay ka qaateen dhamaan agabkii Hay’addu lahayd.
Dhinaca kale waxaa jira in Hay’ado badan ay maleeshiyadu ay ku amartay in ay isaga baxaan goobaha ay ku suganyihiin, kuwaas oo kaalin mug leh ka geysanayay taageerida shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu Haysatay mudada dheer.





